Gudidii Loo Xilsaaray Hawlaha Laas-Caanood Xagay Ku Dambeeyeen ?

0
Wednesday March 22, 2023 - 14:36:48 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudidii Loo Xilsaaray Hawlaha Laas-Caanood Xagay Ku Dambeeyeen ?

    Dhinaca kale waxa wax lala yaabo ah in hayb ku dirir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca kale waxa wax lala yaabo ah in hayb ku dirir
Waxa lix maalmood ka dhiman tahay sadex bilood oo rabshado iyo dagaalo dhiig badani ku daatay ay ka taagnaayeen Laas-caanood.

Waxa gabi ahaanba aan qorshe iyo siyaasad cad aan laga hayn xukuumada jamhuuriyada Somaliland , halka maleeshiyo beeleedyo isaga imanaya dawladaha ay Somaliland jaarka yihiin ku soo qul-qulayaan magaalada Laas-caanood.


Waxa la isweydiinayaa halka uu maray gudoomiyihii gudigii xukuumada ee loo direy magaalada Laas-caanood oo ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Maxamed Kaahin Axmed oo aan hal maalin ka hadal waxa dhacay iyo sababta xukuumada jamhuuriyada Somaliland looga qabsaday magaalada Laas-caanood.

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland muuse cabdi ayaa afar goor ka hadlay oo kala duwan , hal mar oo uu shir isugu yeedhay dad badan oo reer Somaliland ah ayuun baa ahaa mar u gaara qadiyada intaa leeg inta kale munaasibado kale ayuu ka soo dhex hadlayey.

Waxa kale oo layaab ah in maalinba maalinta ka dambaysa ay colaadu sii hurayso hubkana la isku soo urursanayo , xili dalalka jaararka oo nabadayn isku dayey midwaliba farihiisa ka laabtay markii shuruudo lagu xidhay.

Dhinaca kale waxa wax lala yaabo ah in hayb ku dirir iyo isir ku dagaalan dagaalkii laga dhigey oo la isaga yimid dhamaan dawladaha jaararka maamul goboleedka Puntland ha ugu horeeyo e .

Dawlada Ethiopia oo isku day dhex-dhaxaadin sameysay uma ay suuragalin markii garaadadu ku xidheen shuruud , waxaana aad moodaa in ay libin u arkeen tanaasul badan iyo tudhaalaha ay xukuumada jamhuuriyada Somaliland ku jirto maadaama dadka Laas-caanood yihiin dadkii reer Somaliland.

Isku soo wada xoori bal waxa la isweydiinayaa hadii dagaalkaasi ku socdo wajiga uu maanta leeyahay waxa uu ku dambayn doono guud ahaan Gobolka Geeska Africa oo haddaba colaada iyo dagaalka Laas-caanood yahay dhibka ugu weyn ee gobolka ka taagan.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...