Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Sababta Abwaan Sangub Loogu Aasay Magaalada Jigjiga
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay sababta abwaan Sangub loogu aasi waayey magaalada Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ooka mid ahaa guddida dawlada soomaaliya u saartay inay aas qaran u sameeyaan abwaan Sangub ayaa soo bandhigay sababaha keenay in lagu aaso magaalada Jigjiga.
Wasiir Maareeye oo ka hadlaya aaska marxuun sangub ayaa waxa uu yidhi "Abwaan Sangub waxa uu ahaa qof qiime badan ugu fadhiya qaranka soomaaliyeed, maanta ayaa lagu aasay magaalada Jigjiga,dawlada soomaaliyana markii uu dhintay abwaanku waxay qorshaysay in aas qaran loogu sameeyo magaalo madaxda dalka, balse codsi uga yimid qoyska oo ay ku adkaysteen ayey u hogaansameen madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo dhamaan dawladu ay u hogaansatay, wefti balaadhan ayaanu u dirnay oo ka qayb aaska marxuunka.”
Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu jirin dardaaran abwaanka laga hayo oo sheegaya in lagu aaso magaalada Jigjiga "Anigu maan maqlin laakiin madaxweynaha iyo aniga iyo wasiiro kale oo loo saaray inay aas qaran sameeyaan maadamaa oo aan anigu ahay wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo ay I hoos yimaadaan tiyaatarka iyo hobolada waaberi, guddida loo magacaabay inay aas qaran sameeyaan oo maydka marxuunka dalka ku soo celiyaan ayaan ku jiray, markaa ehelada ayaa codsatay laakiin anigu maan maqlin isaga ayaa ku dardaarmay.”ayuu yidhi wasiir Maareeye oo la hadlay VOA