Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Gabiley Iyo G.Gabiley . Muhamed Dhimbiil

0
Friday June 21, 2019 - 17:13:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Gabiley Iyo G.Gabiley . Muhamed Dhimbiil

    Gabiley waa magaalo taariikh fog leh oo ku taala galbeedka magaalada Hargeisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley waa magaalo taariikh fog leh oo ku taala galbeedka magaalada Hargeisa, waxaana ay u jirtaa ilaa 50 km , sidaasi oo kale ayey ilaa 70km Bari ka xigtaa magaalada Borama, Gabiley waa magaalo madaxda Gobolka Gabiley.


Magaca Gabiley waxa loogu bixiyey waxa ku yaalla ceel loo soo aroori jirey dooxaa Gabiley oo lahaa Gabi dheer, markaasaa la odhan jiray ceelkii gabiga dheeraa, halkaasi ayaanu ka soo jeedaa magaca Gabiley.



Gabiley waxa ay ahayd deegaan wax lagu beerto deegaanadii ugu horeeyey Somaliland, sidoo kale waxa ay ahayd dhul xoolaha lagu dhaqdo oo dadku asal ahaan xoolo dhaqato ayey ahaayeen.


Waxa ay caan ku ahayd Gabiley iyo deegaanada iyo degmooyinka kale ee hoos yimaadaa magaalooyin iyo dhul diinta lagu barto, waxaana ka soo jeeda oo midiba mar imanayey culimadii waaweynayd ee kala ahaa;

Sheekh Cumer Cadaawe
Sheekh Cumer Warfaa
Sheekh Ibrahim Amarre
Sheekh Xasan Guuleed wallow
Sheekh Muxumed Gaboobe
Sheekh Muxumed warsame
Sheekh Xasan Gaboobe
Sheekh Ibrahim warsame
Sheekh Cabdilahi Xadi
Sheekh Daahir Cabdilahi Omane
Sheekh Nuurye Axmed " suufi nuuriye "
Sheekh Cumer Aw Cali
Sheekh Muxumed Raage
Sheekh Xuseen Nuuriye
Sheekh Cabdi yuusuf " Geedwareershe "
Sheekh Barkhad Cawaale
Sheekh Cabdi Geelle
Sheekh Daud Macalin.


Culimadan oo uu ka nool yahay Sheekh Daud macalin , Alle ha u naxariisto inta kalena dhamaantood e iyo culimo badan oo kale oo ay ka aflaxeen kumayaal arday ah oo bartay Quraanka iyo culuumta kale ee diinta islaamka.


Gabiley iyo dadkeedu waxa ay hormood ka ahaayeen halganadii dadka reer somaliland soo galeen sida halgankii gobanimo doonka, halgankii dib u xoreynta dalka ee SNM , waana dad ku suntan ficil Iyo geesinimo hadii ay tahay halgan iyo hadii ay dib u dhiskii dalka tahayba.


Gabiley waxa ay noqotay Sub-District xiligii uu ingiriisku dalka xukumayey sanadihii 50 naadkii waxaana xukumi jiray Gudoomiyihii ingiriiska u fadhiyi jiray degmada Hargeisa.


Waxaana ay noqotay oo loo wanqalay degmo buuxda sanadkii 1963 kii , waxaana Gudoomiyihii ugu horeeyey ka noqday Cumer Sheekh Alle ha u naxariisto e.


Gabiley waxa ay ka mid noqotay degmooyinkii ugu dadka iyo wax soosaarka badnaa dalkii Somalia iyo waliba dhaqaalaha ka cashuuraha ka soo gala dawlada oo waxaa ay lahayd saameyn muuqata iyada oo ay ku yaaleen magaalooyin muhiim u ahaa dalka sida Wajaale oo kale.

Gabiley waxa ay ahayd meelihii ugu horeeyey ee waxbarshada laga aasaaso iyada oo dadka reer Gabiley waxa ay hormoodka ka ahaayeen ay ka mid ahayd waxbarshadu oo ay caan ku ahayd.


Waxa hadaba jirta in aanay Gabiley dawladihii somalia iyo somaliland ba aanay ka helin mataalada siyaasadeed ee ay xaqa u lahayd, marka aad eegto kaalinta ay dalka kaga jirto , dhaqaale ahaan iyo dad ahaanba, arimahaa aan ka hadlayo oo ka mid ah cadaalad darooyinkii ay Somalia u duntay, qaar ka mid ahi waxaaba ay ku xusan yihiin buuga caanka ah ee " Sababihii bur-burka soomaaliya " oo uu qoray qoraagii caanka ahaa Cabdiqadir Aroma.


Waxaana uu buugaasi Aroma isku bar-bar dhigayaa tirakoobyadii dadka ee dawladihii somalia iyo aduunku sameeyeen iyo cadaalad darooyinkii ka dhex muuqday oo laba degmo oo midina dadkeedu yahay 51,000 kun ay lahayd 3 ilaa 5 xildhibaan, Gabiley oo wakhtigaa dadkeedu ahaa 56,000 kun ay lahayd 1 xildhibaan.


Sidaa awgeed Gabiley waxa ay hal kursi Gole wakiilada ah uun ku lahayd todobadii kursi ee degmada Hargeisa oo laga soo dooran jiray xildhibaan golaha wakiilada ah , iyada oo in badan loo dooday in aanay Gabiley helin wax u qalma metalaadeeda hadana waxba kamay qaban dawladii Somalia oo waxaaba ay ka mid ahayd dhulkii cadaadisku saarnaa.


Xildhibaanadii laga doortay taariikhdaa hore Gabiley waxa ka mid ahaa;

Sheekh Barkhad Cawaale
Axmed Yuusuf Ducaale
Cali warsame Bookh " Cali basho "


Gabiley waxa markii somaliland la soo noqotay dawladnimadeeda la isla gartay inta la samaynayo qiimeyn dhab ah oo goleyaasha la horgaynayo in aan miisaankeega dhinacwalba aheyn mid cid ka qarsoon, waana sababtii loo sameeyey 6 Gobol iyo Gabiley oo ka soo jeeda 6 dii degmo ee ingiriisku inagaga tagay iyo Gabiley oo Sub-district " degmo hoosaad ahayd.


Gabiley waxa gobol laga dhigay sanadkii 2008 oo xukuumadii somaliland ee xiligaasi 6 gobol oo kale ay dalka ku kordhisay iyada oo aan ilaa imika qiimeyn iyo kalaxadayn midna aan dalka laga sameyn oo ay tahay hawl u taala xukuumada joogta iyo goleyaasha qaranka somaliland.


Gabiley somaliland waxa ay u tahay gobolada ugu muhiimsan ee ay ku xisaabtanto xaga wax soosaarka beeraha iyo cashuuraha iyo waliba tirada codka xiliyada doorashooyinka , haddana Gobolka Gabiley iyo degmooyinkiisa wax u qalma oo waxqabad iyo kabka dawlada dhexe ahi kagama soo noqdaan Gabiley iyo degmooyinka hoos yimaada.


Gobolka Gabiley waxa uu xuduud la leeyahay Gobolka Hargeisa, Gobolka ismamulka somalida Ethiopia, Gobolka Awdal, xuduudkiisii xaga badda ahaana waxa ka taagan muran aan xukuumadihii kala dambeeyay ee somaliland soo maray aanay midina ka soo saarin sharci rasmiya oo gobolwaliba gaarkiisa u sheegto dhulkii gubanka iyo Badda Cas.


Gobolka Gabiley waxa hoos yimaada degmooyinka

Gabiley
Wajaale
Arabsiyo
Allaybaday
Agabar
Geed-balaadh
Degmada Dacarta.

Waxa jira iyaguna degmooyin kale oo ay ahayd in ay Gabiley hoos yimaadaan oo aan hoos iman, oo ay ka mid yihiin Calixaydh, lughaya iyo Darasalam.


Gabiley waxa ka soo jeeda dad badan oo caan ah oo soomaali oo dhan qiimo ku dhex lahaa iyo dad aduunka oo dhanba laga yaqaano.

Sawiradii maalintii la furayey Jaamada Gabiley ee " TIMACADE "

Waa ururintii iyo soo gudbintii : Maxamed Cabdi Jaamac " Muhamed Dhimbiil "

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...