Maxkamad Sharci Daro Ku Tilmaantay Hubka UK Ka Iibiyo Sucuudiga

0
Friday June 21, 2019 - 17:06:36 in News by
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Sharci Daro Ku Tilmaantay Hubka UK Ka Iibiyo Sucuudiga

    Maxkamad Sharci Daro Ku Tilmaantay Hubka UK Ka Iibiyo Sucuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad Sharci Daro Ku Tilmaantay Hubka UK Ka Iibiyo Sucuudiga


Kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku guuleystay kiis ka dhan ahaa go'aanka dowladda UK ay ku ogolaatay inay hub ka iibiso Sacuudiga oo dagaal ka wada dalka Yemen.


 

Ololaha ka dhanka ah ka ganacsiga hubka ayaa waxay ku doodeen in go'aanka dowladda Britain ee ah in ay sii wado bixinta shatiga qalabka militari loogu dhoofinayo Sacuudiga uu ahaa go,aan sharci daro ah.

Kooxaha ka soo horjeeda ka ganacsiga hubka ayaa waxay sheegeen Duqeynta Yemen waxaa ka dhashay dhibaatadii bina'aadanimo ee ugu xumeyd caalamka


 

Kooxahani ayaa waxay sidoo kale ku doodeen in ay jirto halis cad oo ku saabsan in hubkan laga yaabo in loo isticmaalo arrimo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee bina'aadanimada.


 

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa waxay sheegeen in ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo shatiyada ,balse aan si dhaqso ah loo joojin.


 

Xoghayaha ganacsiga caalamiga ah Liam Fox ayaa sheegay in dowladda UK aysan bixin doonin shatiyo cusub oo hub loogu dhoofinayo Sacuudiga iyo wadamada ay xulufada yihiin.


 

Waxa uu sidoo kale sheegay inay ka baaraandagi doonaan gudoonka ay maxakamada riday.


 

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxay dhow jeer qabteen dibadbaxyo ay ku cambaareynayaan go'aanka ay UK hubka uga iibinayso Sacuudiga.


Afhayeenka u hadlay rai'sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegay in dowladda ay arrintan "ka xuntahay" islamarkana ay raadin doonaan ogolaanshiyo ay racfaan kaga qaadan karaan go'aanka maxkamadda.


Sida ku cad sharciga wax dhoofinta UK,Shatiyada hubka waa in aan la bixin haddii ay jirto "halis cad" oo ah in hubkaasi loo adeegsan karo "jabinta shuruucda caalamiga ah bina'aadanimada ".


Garsooraha maxkamada racfaanka ee London Sir Terence Etherton ayaa sheegay in dowladda "aysan samayn qiimayn ku saabsan in isbahaysiga Sacuudiga ay ku tunteen shuruucda caalamiga ah ee bina'adanimada dagaalka yemen ".


Waxa uu intaa ku daray in ay qasab tahay " in ay arrintan ka baaraan-dagto" ayna qiimayso khataraha jira mustaqbalka.


Dowladda Britain ayaa bixisay shatiyo ku kacaya lacag ka badan £4.7 bilyan oo ah hub loo dhoofinayo Sacuudiga tan iyo intii uu billaabmay dagaalka Yemen bishii March 2015.


Hubka laga iibiyay Sacuudiga waxaa ka mid ah Diyaaradaha dagaalka ee noocyada Typhoon iyo Tornado, iyo sidoo bambaanooyiinka la hago.


Waxaa sidoo kale iibintan qayb ka ah kumannaan shaqooyiinka Injineernimada ee UK waxaana ka ganacsiga hubka ee Britain uga soo hoyaday balaayiin ah lacagta dalkaasi.


Af-hayeenka kooxda wada ololaha ka dhanka ah ee ka ganacsiga hubka Andrew Smith ayaaa soo dhaweeya go'aanka maxkamada.


Waxuu sheegay in boqortooyada Sacuudiga ay yihiin maamul arxan daran ,balse toboneeyo sano ay UK hub ka iibinaysay.


"Duqeynta Yemen waxaa ka dhashay dhibaatadii bina'aadanimo ee ugu xumeyd caalamka " ayuu intaa ku daray.


Dowladda Sacuudiga ayaa soo iibsashada hubka laba-laabtay 2012 ilaa 2017 marka loo barbardhigo 5 sano ee ka sii horeeysay.

 



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...