Sababta Khatarta Biriishyada Berbera Corridor ?

0
Monday March 20, 2023 - 17:20:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sababta Khatarta Biriishyada Berbera Corridor ?

    "waxa la Shaxaaday Biriishka ciidda ka danbaysa ee la sinmaysa Biriishka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa la Shaxaaday Biriishka ciidda ka danbaysa ee la sinmaysa Biriishka"


 


Hargaysa (HWN) Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay khasaare Roobab ka da’ay Somaliland ay ugaysteen biriishyo ku yaala  jidka Berbera iyo Wajaale, sida uu qoraalkan ku baahiyay xoghayuhu.

 

Sababta Khatarta Biriishyada Berbera Corridor ?

Jidka Berbera iyo Wajaale (berbera corridor road) waxa dhisaysa Shirkad Ajaanib ah ee (NPHH) waxa lahaa  Nashaqadda iyo Korjoogtaynta (design and supervision) Shirkad Suuriyaan ah, Somaliland wax door ah kumay lahayn, Guddidi uu Magacaabay Madaxweyne Biixi 11 Juun 2020 ee ahayd Project Implementation Unit (PIU) 6 xubnood  door macno leh kumay lahayn Shaqada dhabta ah ee Shirkadda dhismaha waddada berbera corridor.

 

Dawladda Somaliland wax keliya oo ahayd ka faa’idayaal (beneficiary) maxaa sababay Biriishka Lafa-ruug in uu Roobkii u horreeyay dhaawaco? waxa la Shaxaaday Biriishka ciidda ka danbaysa ee la sinmaysa Biriishka oo loogu talo galay Biinkii in la qodo 2 miter ayaa la qoday 50 cent waana sababta Daadkii u horreeyay u qaaday shalay. 3 Biriish ee kale waa sidan dhiskoodu haddii aan wax laga qaban Kharasaaruhu waa mid la fili karo.

 

Biriishyada Hargeysa-Berbera waxa ay ku jiraan Sannadkii Tijaabada ahaa markaa waa in lagu daba galo Shirkaddi dhistay 3 Biriish ee kale, ujeedka u weyn Khandaraas laha (Contractor) waa in uu faa'idaa waxaanu isku dayayaa in uu meel kasta ka macaasho, marka uu yahay Ajaanib ee aanay jirin cid la xisaabtantaa waa khatar weyn iyo masiibo. Jidka Galbeed oo hadda ceebtiisu soo baxday oo aan lahayn (Supervision) Shaqaduna keli ku tahay Shirkadda dhisaysa lana eryay Eng Somaliland ee la shaqaynaayay oo ay ku keliyaysteen Carabtii Qandaraaska qaadatay halla ogaado.

 

W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme xoghayaha arrimaha bulshada WADDANI


Loading...
Loading...