Tartanka Raysal Wasaaraha UK Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Labada Murashax Ee Ugu Cadcad

0
Friday June 21, 2019 - 17:02:55 in News by
  • Visits: 1991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka Raysal Wasaaraha UK Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Labada Murashax Ee Ugu Cadcad

    Tartanka Raysal Wasaaraha UK Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Labada Murashax Ee Ugu Cadcad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka Raysal Wasaaraha UK Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Labada Murashax Ee Ugu Cadcad


Wareegii 5-aad ee tartanka lagu soo xulayo hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee dalka Britain isla markaana noqonaya Ra'isalwasaaraha xilka kala wareegaya Theresa May ayna u codeynayeen xubnaha xisbigaas ayaa ku soo gabagabowday aqalka Baaralamka UK ee Westminster, iyadoo xoghayaha deegaanka Micheal Gove uu ku haray wareegaas.



 

313 xildhibaan ayaa codeynta ka qayb qaatay, waxaana tartamayey saddex xubnood oo laba ka mid ah wasiirro ka yihiin xukuumadda Mrs May. Codeyntii caawa ayaa xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Boris Johnson wuxuu helay 160 cod, xoghayaha arrimaha dibadda Jeremy Hunti ayaa helay 77 cod halka Michael Gove oo ah xoghayaha Deegaanka uu isagu helay 75 cod sidaana uu uga ka haray inuu u gudbo wajiga ugu dambeeya codeynta oo ay ka qayb qaadan doonnaan 160-ka kun ee xubnaha xisbiga Conservative-ka ee UK oo dhan ku kala sugan.

Jeremy Hunt iyo Boris Johnson

 

Codeynta oo dhanka Boostada lagu dhiibanayo ayaa bilaaban doonta todobaadka dambe waxaana qofka ugu codka badan lagu dhawaaqi doonaa 22-ka bisha Luulyo ee socota, markaas oo si rasmi ah loo shaacin doono qofka noqonaya hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee noqonaya Ra'isalwasaaraha Britain.


Labada nin ee isku soo haray ayaa siyaasad ahaan ku kala aragti duwanaa aftidii UK kaga baxaysay Midowga Yurub, Boris Johnson wuxuu ka mid ahaa xubnaha aadka ugu ololleeyey in UK ka baxdo Midowga Yurub halka Jeremy Hunt uu ahaa siyaasiyiinta doonaysey in UK aanay ka bixin Yurub.


 

Dooddii ay BBC-du u qabatay xubnihii ku loollamayey doorashadan ayaa Boris Johnson wuxuu ku adkeystay in UK isaga baxayso Midowga Yurub waqtiga loo cayimay ee ah 31-ka October 2019, halka Jeremy Hunt uu isaguna aaminsan yahay in dib loo dhigi karo ka bixitaanka, waana taas midda xiisaha u yeelaysa tartanka labada nin dhexmari doona.




Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...