Gorfeynta Buugga; The Re-Education Of A "Smart Idiot"

0
Monday March 20, 2023 - 14:22:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gorfeynta Buugga; The Re-Education Of A "Smart Idiot"

    Qof kasta oo reer Somaliland ahina in uu dhibaatooyinkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof kasta oo reer Somaliland ahina in uu dhibaatooyinkan



Buuggani wuxuu sharrax mug leh ka bixinayaa mashaakilaad faro-weyn oo dhaqan-siyaasadeed, kuwaas oo nidaamkeena dawladnimo ragaadiyay.


Qof kasta oo reer Somaliland ahina in uu dhibaatooyinkan isir-raacoodu barta uu ku arooro wax ka ogaadaana waa mid qof ahaan isaga u fiican.



 

Buugga THE RE-EDUCATION OF A "SMART IDIOT" waxa qoray M. Adan, waxa daabacday shirkadda Hema books, tarmintii koowaad waxa la daabacay 2021, wuxuuna ka kooban yahay 458 bog.


 

Inkasta oo aanay sahlanayn in buug 458 bog ka kooban dulucda nuxurkiisa warqad iyo badh lagu soo koobaa, haddana waxay ahayd shaqo adag oo Rabbi ii sahlay. Sidaas darteed ayaan qormadan si kor-ka-xaadis ah ugu sharxi doonaa guud ahaan mawduucyada buugga.


 

OOGADA BUUGGA: jaldiga buugga marka aad dhugato, deymada hore waxa ishaadu ku dhacaysaa, magaca buugga oo sidan u yaal;THE RE-EDUCATION OF A " SMART IDIOT" Sida aad ugu dheygagsan tahay falsafadda ku duugan magaca buugga ee sarbeeban ayaad halacsanaysaa taswiirta lix bisadood oo addimada ku haya shan qalin-qori oo is-dul-saaran. Arrinta yaabka leh ee sawirkan laga daalacan karaa waa; in dhammaan bisaaska taswiirta ka muuqda aanay midna tan kale ka shabbihin hannaanka sawir-gelista. Taasi oo iyana salka ku haysa macne kale oo shareeran.


 

Fekerka buuggani wuxuu ka dhashay caqabado ka hor yimid muwaadin reer Somaliland oo muddo dheer dalka dibedda kaga maqnaa; kuna soo guryo-noqday dalkiisa isaga oo niyad-samaan iyo filasho weyn qaba. Hasa yeeshee waaqica kala kulmay wax aad iyo aad uga fog filashadiisii. 

Sidaas darteed ayuu si uu u ogaado barta ùu ku arooro xididka mashaakilaadka ummadda ahaan iyo dal ahaan ba ina ragaadiyay ee horumarka innoo diiday; wuxuu baadi-doonkaraacdadiisa ka soo bilaabay raad-gurka taariikhda dalka. Waxa aanu liishaanka saaray saddex tusmo-taariikheed oo kala ah:


1. 90 sanno oo gumaysi Faranji ah.

 

2. 30 sanno oo midnimo lagu hungoobay ah.

 

3. 20 sanno oo nidaam dimuqraadiya oo ku dhisan doorashooyin xor ah, loona maro hannaanka axsaabta badan dalku ku nabad iyo caano-maalay.


 

Waxa aanu bartaas ka soo dhiraan- dhirinayaa fahankiisa dhaqan-siyaasadeed ee dalka; iyada oo dhigaalka qoraha aad ka dhadhansanayso dal jacayl iyo waddaniyad faro-weyn, haddana waxa la odhan karaa uu ka badheedhay in uu farta ku fiiqo mashaakilaad badan oo dalka ka jira iyo cidda wax-saarkooda leh. Si kastaba ahaatee, wuxuu qoruhu sharrax kooban oo sawir wanaagsan bixinaya innuugu muujiyay hagardaamooyinka ummadda ay u geysteen qolooyinka ay ka midka yihiin kuwani:


• Ganacsatada,

• Siyaasiyiinta,

• Suxufiyiinta,

• Culimada,

• Iyo madaxda-dhaqanka.

 

BOGAADIN.


 

Waxa qoraha buugga ( M. Adan) ku bogaadinayaa in uu wakhti iyo feker geliyay fahanka dhibaatooyin bulsho-siyaasadeed oo dalka jira; Isla markaana qoraalka dhaxal-galka ah uga reebay. Geesta kale, waxa aan la dhacay hannaanka uu dhacdooyinka iskugu xidhay, ugana samaystay tafsiirka fahan ee isaga u goonida ah. Isaga oo dhigaal ahaanna farshaxan heerkiisu aad iyo aad u sarreeya adeegsaday. Sida oo kale dhismaha dooddiisa ayaa kolka aan miisaanka saaray iigu muuqday mid markhaatiyo iyo caddaymo lagu qanci karo ku ladhan yihiin.


 

Haddaba waxa aan iyanahorseed wanaagsan u arkaa in dadku dhibaato kasta oo ay ku arkaan dhaqan-siyaasadeedka nidaamkeena dawladnimo ama bulsheed, aanay iska dhaafine wax iska weydiiyaan oo lafo-gur ku sameeyaan, iyaga oo aragtidooda hab-qoraal ku cabbiraya, taasi oo aan qof ahaan u arko ilbaxnimo weyn iyo tallaabo hore loo qaaday.


 

Buuggani wuxuu ka hadlayaa handaraabka oo ka mid ah arrimaha luugu hadal-haynta hadan yahay; sida oo kale doorashooyinka dalka ayuu wax innaga hogo-tusaalaynayaa


 

TALO-BIXIN.


 

Aniga oo talo-bixintayda gun-dhig uga dhigaya waayo-aragnimada kooban waxa aan soo jeedin lahaa in qoruhu buuggan afkeenna u soo min-guuriyo; sababtuna waxa aan u arkaa in tirada guud ahaan Soomaalida af-qalaad in ay wax ku akhrido awooddaa ay yar tahay. Sidaas darteed ayaan ugu arkaa in buuggani haddii Soomaali laga dhigo uu ka saamayn badnaan lahaa kan Ingiriisiga ku qoran.


WQ; Cabdinaasir Axmed Abraham.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...