'' Faraqa Shirarka Burco ''. Ahmed Nour Guruje
Beesha Hj markii ay gogosha dhigtay , wax buuqa , wax qaylo ah , wax khilaafa iyo wax hadala midna lagama maqlin , wixii ay doonaysaysay in ay ka hadashana Gogoshii ay dhigtay ayuun bay ka sheegatay .
Shirkaa waxaa kasoo qayb galay guud ahaan Salaadiinta Beesha Hj , gudididii Beesha iyo waayeel fara badan .
Dhinaca kale ee Hy waxaa ka qayb galay Ergo culus oo ay hogaaminayaan , Suldaan Cismaan Suld Cali , Suld Barre Warsame iyo Saladiin kale , shirkiina wuxu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan .
Shirkan imika la hadal hayo ee Burco .
Waxaa gogosha dhigtay Beesha Hj oo aan wadanin musharax muuqda ama imika saaxada taagan .
Waxaa loo dhigay Beesha uu kasoo jeedo Musharaxa Xisbigga Waddani , C/raxmaan Cirro .
Beeshii gogosha loo dhigay , ee Musharaxana ahayd , ayaa dhexdeedi isku haysata gogoshii loo dhigay .
Markii ugu horaysay shirka waa la taageeray , waxaana taageeray ilaa Xisbigii Waddani , waayeel iyo waxgarad badan.
Shirkii hadana dadkii taageeray iyo kuwo diiday ayaa saxaafada isku haysta iyagoo isu marinaya hadalo taagtaagan.
Kala duwanaanshaha labda shir amaba faraqa u dhaxeeyaana waxa weeyaan , waagaas beesha uu kasoo jeeday musharax Siilaanyo waxay rabto iyo wadaday u marayso ba way garanaysay , laakiin imika beshan uu kasoo jeedo musharax cirro waxay doonayso iyo wadaday u marayso iskuma waafaqsana .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!