Sideen Salaada ugu khushuucaa?

0
Monday March 20, 2023 - 09:54:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideen Salaada ugu khushuucaa?

    n aad Salaada ku Gudato Goob dagan oo ka fog Qaylada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

n aad Salaada ku Gudato Goob dagan oo ka fog Qaylada



1- In aad kusoo xaadiriso Qalbigaaga wayni Allaha aad hortaagan tahay marka aad tidhaahdo (الله أكبر) Allah ayaa ka wayn, in aad Ogooto in Allah ka wayn yahay wax kasta oo Qolbigaaga ku mashquuliso wax kasta oo arrimaha adduunka ah ogow Allah ayaa ka wayn.


2- In aad dhugato dhexgasho u fiirsiga Qur’aanka aad akhrinaso,Qur’aanka kalmad kasta oo aad akhrido Allah u jeedo wayn ayuu ka leeyahay,Dhambaalada Qur’aanka adiga ayay kugu socdaan,In aad dhugato Qur’aanka aad Akhrinaso ama aad dhagaysanayso ayaa kaa dhigiya in aad ku khushuucdo Salaada.

3- In aad Salaada ku Gudato Goob dagan oo ka fog Qaylada iyo Buuqa taasi waxay kaa caawinasaa in aad Salaada ku Khushuucdo ku dadaal inta aad Awooddo in aad tukato Salaad Khushuuc wadata oo aad dhugato Dhambaalada dhinaca Rabigaa ka yimi.

4- In aad Allah waydiisato in Allah kugu caawiyo Khushuucda Salaada dhexdeeda Ducadu waa Cibaado Sida uu yidhi Suubanahu

صلى الله عليه وسلم (الدعاء هو العبادة)
Si kasta oo ay kuugu adag tahay hadda Allah waydiiso
"وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا وَإِنَّ اللَّهَ لَمَعَ الْمُحْسِنِينَ”
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...