Waa maxay qorshaha m.biixi ka leeyahay dagaalka Laascaanood?

0
Monday March 20, 2023 - 09:51:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay qorshaha m.biixi ka leeyahay dagaalka Laascaanood?

    Waa maxay sababta loo samaynaayay sidaas?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay sababta loo samaynaayay sidaas?



Waxa isweydiin leh oo mudan in wax layska waydiiyo ,

Maxaa Garaadadii somaliland diidka ahaa,


ee cadawga somaliland ahaa ee 15 sano la dagaalamaayay jiritaanka iyo gooni isutaaga somaliland loogu soo daayay Laascaanood iyo dalka?



Iyaga oo wata ciidamo hubeysan oo wata tikniko

Oo weliba sita calan dal kale leeyahay oo leh :( waakan calankayagii)


Oo weliba rumaysan in madaxweyne kale ka taliyo Laascaanood ?

Maxaa loogu ogolaaday in ay Laascaanood soo galaan?


Oo weliba Nuux Taani ku leeyahay: anigaa soo dhaweeyay oo soo geliyay?

Sababta loo soo dhaweynaayay ee weliba loo soo gelinayaan

Maxay tahay?


Waa maxay sababta loo samaynaayay sidaas?

Waa maxay sababta dad cadaw dalkaaga ku ahaa

Aad u soo deyso? Oo u soo dhaweyso?


Maxaa kugu kelifaaya in aad cadowgii dalka iyo kuwii kale midayso?

Maxay ahayd ujeedada Dhulbahante aad u midaynaysaa , oo aad ogtahay in ay iyagu iska soo wada horjeedaan oo ay ku kala qeybsan yihiin siyaasada ?


Maanta waxaad midaysay Dhulbahante oo aan weligii midoobin iyo harti iyo Daarood oo dhan ayaa qaladkaagii aad gashay ku midaysan? Waayo ?

Goo,aankii qaldanaa ee siyaasadeed ee

M.BIIXI ayaa mideeyey cadowgii dalka somaliland.

Waa maxay sababta uu u mideeyey?


Waxa kale oo ka daran oo dhibaato iyo dhimasho iyo dhaawac u keentay ciidankii qaranka Somaliland

In amar lagu siiyay ( ha weerarina ciidamadii miliishiyaadka ahaa ee soo weeraraayay habeen iyo maalin ciidanka qaranka?


Maxay tahay ujeedada ka danbaysa?

Muxuu yahay amar ah ( isdifaaca oo qudha oo ha weerarina) ?

Waa maxay sababtu ha lagu dilo oo waxba hayska

celin ?


Ma waxa uu doonayaa M.BIIXI in ciidanka qaranka Somaliland lagu laayo meesha Laascaanood, qaarna lagu dhaawaco , oo lagu jebiyo ?

Waa maxay qorshaha uu M.BIIXI ku talo galay ?

Ma in ciidanka qaranka Somaliland lagu laayo meesha ayuu qorshihiisu yahay?


Waa maxay sababtu?


Hadaba qof kastaa waxa uu isweydiinayaa

Ujeedada iyo qorshaha uu M.BIIXI ka leeyahay dagaalkan? Iyo waxba ha weerarina?

Iyo waxa uu ka damacsan yahay?


Daarood oo dhan iyo dowladda somaliya iyo kiilka 5-aad iyo qaar jooga Kenya iyo Puntland way ku wada jiraan dagaalkan.


Dagaalkan dalka Somaliland lagu soo qaaday iyo duulaankan

Way ku wada dhan yihiin cadowgii dalka Somaliland.

Hadaba waa maxay qorshaha M.BIIXI?


Ma waxa uu doonayaa in uu ciidanka qaranka Somaliland,ku jebiyo dagaalkan?

Sidaas ayuu xaalka u egyahay qorshaha M.BIIXI?


Malaa waxa jira qorshe dahsoon oo aan cidi la ogayn M.BIIXI oo uu ujeedo kale ka leeyahay iyo in uu jebiyo ciidanka qaranka Somaliland.


 

 

Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...