Irir Samaale Iyo Oromada

0
Sunday March 19, 2023 - 10:21:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Irir Samaale Iyo Oromada

    Ujeeddo: Irir Samaale Iyo Oromada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeeddo: Irir Samaale Iyo Oromada


No description available.


Ku: Ugaas Mustafe, Ugaaska Beesha Ciise – Dirdhab-ah

 

Og: Boqor Daahir Calasow, Boqorka Irir Samaale – Muqdisho

 

Ujeeddo: Irir Samaale Iyo Oromada


 

 

Ugaas Mustafe, sida aad ka war haysid, labadeennan qoomiyadood, ee Irir Samaale iyo Oromadu, waa laba qoomiyadood, oo isir-wadaag ah, oo dhaqan-wadaag ah, oo hidda-wadaag ah, oo gacal iyo xigaal ah, oo wehel iyo walaal ah; oo daris iyo ood-wadaag ah.


 

Sidaas darteed, sidii labadeennan qoomiyadood aad u mataaneyn lahaydeen, ee gaashaanbuur dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed aad uga dhigi lahaydeen, ayaa madax-dhaqan ahaan, la idiinka wada baahan yahay; oo gaar ahaan adigu inaad hawshaas aad hormood u noqotid, oo madax-dhaqameedka labadeennan qoomiyadood, ee Irir Samaale iyo Oromada aad gogol u fidisid; oo waliba Jibuuti aad iskugu wada yeedhid, oo kulan dhaxal-gal ah aad ugu wada baaqdid, oo aad ku wada shirisid, oo aad ku wada mideysid, ayaanu kaa codsaneynaa, oo aanu kaa baryeynaa; oo aanu kaa rajeyneynaa – bi idni Allaah.


 

Ugaas Mustafe, waa hubaal, oo is-gaashaanbuureysigaas dhaqaneed, ee dhaqaaleed, ee siyaasadeed, waa hubaal, oo waa lagu wada liibaani doonaa, oo waa lagu wada barwaaqeysan doonaa, oo nabad iyo horumar baaxad weyn, ayaa lagu wada kasban doonaa – bi idni Allaah.


 

 

Saadaashu, waa guul – bi idni Allaah.

 

Tixgalin mudnaan badan leh.

 

Maxamed Sheekh Daahir


[email protected]

tashiwanaag.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...