Faa'iidoonyinka Caafimaad Ee Xabxabku (Qaruhu) Uleeyahay Jidhka

0
Sunday March 19, 2023 - 09:56:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa'iidoonyinka Caafimaad Ee Xabxabku (Qaruhu) Uleeyahay Jidhka

    "Qaraha wuxuu sare u qaadaa biyaha uu baahan yahay jirka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qaraha wuxuu sare u qaadaa biyaha uu baahan yahay jirka"



 

Qaraha ama xabxabka waa mid u fiican jirkeena, faa'ido badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa lag helaa balse cilmibaarayaal ku sugan dalka Mareykanka ayaa qaraha la barbardhigay kaniiniga Viagra ee kordhiya hammada.

 

Xabxabka waxaa ku jira kiimiko loo yaqaanno citrulline, taasoo ay ku jirto waxyaabo la mid ah Viagra.

 

Viagra waxa loo yaqaan "kaniiniga buluuga ah". Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee UK, Sildenafil waa daawo loo isticmaalo daawaynta dareen la'aanta ragga.

 

Viagra, oo sidoo kale loo yaqaanno sildenafil, ayaa waxaa markii hore loogu talogalay wadnaha sababtoo ah shaqadeeda ugu muhiimsan waa hagaajinta qulqulka dhiigga iyadoo ballaarineysa xiidmaha dhiigga oo ay ka mid yihiin halbowlayaasha.

 

Viagra wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka isla xaddiga kiimikada dabiiciga ah ee citrulline ee laga helo qaraha si lamid ah wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka.

 

Maadada Citrulline ee ku jirta qaraha waxay dejisaa xididdada dhiigga ee jirka si wareegga dhiigga ee jirka u fiicnaado.

 

Waxaa cilmi-baaristan samaysay xarunta horumarinta khudradda Texas ee dalka Maraykanka.

Dr. Bhimu Patel oo hoggaaminayay cilmi baaristan lagu sameeyay qaraha ayaa sheegay, "Waxaan la soconnaa in qaraha uu u fiican yahay jirka, weli daraasad ayaa lagu sameynaya waxtarkiisa, waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa kasoo ifbaxaya isticmaalka xabxabka"

 

Wuxuu intaa ku daray, "Qaraha kaliya ah ma saameeyo jirka sida kaniiniga Viagra balse qaraha wuxuu dabciyaa xiddidada dhiigga, ma lahan wax dhibaato ah"

 

Waxa jiraa faa'idooyin kale oo laga helo qaraha:

 

Qaraha wuxuu sare u qaadaa biyaha uu baahan yahay jirka

Aad bay muhiim u tahay in jirka bini'aadamka uu helo biyo ku filan oo dheellitiran. Sababtoo ah xitaa fuuq-bax yar wuxuu kuu horseedi karaa daal, madax-xanuun, murqo xanuun iyo cadaadis dhiigga oo sarreeya.

 

Qaraha wuxuu ka kooban yahay 92% biyo, jirka wuxuu u baahan yahay biyo sidaas darteed waxaa fiican in la isticmaalo qaraha.



Waxaa loo isticmaala dhimista miisaanka

Qaraha waxaa ku yar maadada tamarta jirka kordhisa ee Calories, marka xitaa aad cunto xabxab badan ma jirto halis ah in miisaanka jirkaaga uu kordho.

 

Wuxuu wanaajiya maqaarka iyo caafimaadka indhaha

Midabka guduudan, casaanka ee qaraha waxaa ku jiraa nafaqooyin badan. Nafaqooyinkaas waxaa loo yaqaannaa carotenoids. Qaraha ayaa qani ku ah maadada beta-carotene oo laga helo Fiitaamiin A.

 

Waxay qurxisaa maqaarka sidoo kale waxay xoojisaa caafimaadka indhaha.

 

Wuxuu yareeyaa halista cudurrada kansarka iyo macaanka

Qaraha waxaa sidoo kale ku jirtaa maadada Lycopene, jirka ayaa si deg deg ah u nuugaa maadadan.

 

Waxaa jiraa daraasado ku saabsan lycopene-ka kuwaas muujinayaa in maadadan ay yareyso halista kansarka iyo cudurka macaanka.

 

BBC

Loading...
Loading...