"Farmaajo Weligay Waan Ka Soo Horjeeday" Xildhibaan Guruuje

0
Sunday March 19, 2023 - 09:04:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Farmaajo Weligay Waan Ka Soo Horjeeday" Xildhibaan Guruuje

    "Soomalidu xuduud siyaasadeed iyo xuduud maamul ayay leedahay, lakiin xuduud qabyaaladeed ma laha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Soomalidu xuduud siyaasadeed iyo xuduud maamul ayay leedahay, lakiin xuduud qabyaaladeed ma laha"



 

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Guruuje oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in uu weligiiba ka soo horjeeday madaxwaynihii hore ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sharaxaya sababta uu uga soo horjeedo Farmaajo.

 

 "Farmaajo weligay waan ka soo horjeeday Fikrada uu aaminsan yahay awgeed oo ah yaa Kacaan ahaa iyo ayaa kacaan diid ahaa?

 

Farmaajo aragti ayuu qaatay ah siduu beeshu ka dhashay uu mideeyo inuu Somaliland ka jaro goboladeeda barri oo Somaliland diciifiyo waxaana kala shaqaynaya ragg aragtidaa gabowday ee ka soo hadhay kacankii Soomalida burburiyay aaminsan oo ah Siyaasiyin isku aragti yihiin qaarkoodna Qabyaalad madax martay oo aan garanayn sida ummadu u wada nooshahay .

 

Soomalidu xuduud siyaasadeed iyo xuduud maamul ayay leedahay, lakiin xuduud qabyaaladeed ma laha.

 

Aniga Qoyskan ka dhashay xuduudka ugu dheer ayuu deeganada barriga Somaliland kala leeyahay dadkaas la sheegayo.

 

Farmaajo miyuu Habaryoonis iyo dhulbahante dhulka u qaybin karaa?

Farmaajo miyuu Habarjeclo iyo Dhulbahante Dhul u kala qaybin karaa?

Somaliland waa in sideeda loo daayo ee maaha in Soomali qori dab leh la iskugu dhiibo..” ayuu yidhi xildhibaan Guruuje oo waraysi siiyay telefishanka MMTV.


Loading...
Loading...