Dalka Australia Oo Ay Kusoo Caariyeen Kalluun Tiro Badan

0
Sunday March 19, 2023 - 08:56:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Australia Oo Ay Kusoo Caariyeen Kalluun Tiro Badan

    "Maamulka gobolka ee dhanka wabiga, ayaa sheegay inay ka dhalatay dhimashada Kalluunka…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maamulka gobolka ee dhanka wabiga, ayaa sheegay inay ka dhalatay dhimashada Kalluunka…"

 


Dadka deggan magaalo ku taalla dalka Australia, ayaa ku soo toosay malaayiin kalluun dhintay, oo ku jira webigooda.

 

Dhimashada kalluunka ee baaxadda weyn, ayaa markii ugu horreysay laga soo sheegay subaxnimadii Jimcaha ee magaalada New South Wales ee Menindee.

 

Maamulka gobolka ee dhanka wabiga, ayaa sheegay inay ka dhalatay dhimashada Kalluunka kulaylka socda, ee saameeyay wabiga Darling-Baaka.

 

Dadka deegaanka, ayaa sheegaya inay tahay tani dhacdadii ugu balaarneyd ee dhimashada Kalluun ee ku dhufata magaalada, taasi oo ay soo wajahday dhimasho tiro badan oo ballaaran oo kalluun ah, saddex sano ka hor.

 

Qoraal lagu baahiyey Facebook, Waaxda Warshadaha Aasaasiga ah ee NSW (DPI), ayaa lagu sheegay in kulaylku uu " walbahaar dheeraad ah ku keenay nidaamka, gaar ahaan xaaladaha aadka u xun ee ka yimid fatahaadaha ballaaran".

 

Mowjadaha kulaylka, ayaa noqday kuwo soo noqnoqda, aad u daran, kuwaasoo ay sabab u yihiin isbeddelka cimilada ee uu qeybta ka yahay bini'aadamka.

 

Dunidu ayaa waxay horeba u kululaatay ilaa 1.1C, tan iyo waagii warshadaha ay bilawdeen, halka heerkulku uu sii kordhayo, illaa dawladaha aduunka oo dhan ay yareeyaan qiiqa lagu sii daayo hawada.


Loading...
Loading...