Cudur Aan La Garanayn Oo Ay Dad Ugu Dhinteen Tanzania

0
Sunday March 19, 2023 - 08:53:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudur Aan La Garanayn Oo Ay Dad Ugu Dhinteen Tanzania

    "Labo isbitaal, ayaa la dhigay dad kale, kuwaasoo ku yaalla gobolka Kagera"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Labo isbitaal, ayaa la dhigay dad kale, kuwaasoo ku yaalla gobolka Kagera"



Mas’uuliyiinta dowladda Tanzania, ayaa baaraya cudur aan la garanayn oo sababay dhimashada shan qof.

 

Labo isbitaal, ayaa la dhigay dad kale, kuwaasoo ku yaalla gobolka Kagera, ee waqooyi-galbeed ee dalkaas.

 

Warka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu sheegay in 7-da qof la rumeysan yahay in ay ka muuqdaan calaamado, ay ka mid yihiin qandho, matag, dhiigbax qeybaha kala duwan ee jirka iyo kelyaha oo istaagay.

 

Maamulka gobolka Kagera, ayaa dadka ka codsaday in ay isdejiyaan, inta natiijada baaritaanada la sugayo, iyadoo baraha bulshada ay dadku kaga doodayaan dhimashada.

 

BBC


Loading...
Loading...