Trump Oo Sheegay In Uu Filayo In Talaadada La Xiri Doono
Madaxweynihii hore ee
Mareykanka, Donald Trump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la
xiri doono Talaadada soo socota, xilli dacwad oogaha New York uu isha ku hayo
eedeymo ku saabsan kiis lagu baarayo lacag la siiyay haweeney madaxweynihii
hore ku eedeysay in uu la seexday.
Trump ayaa farriin uu
ku qoray warbaahintiisa Truth Social saacadihii hore ee Sabtida maanta ah ku
sheegay in qoraal si qarsoodi ah "loo soo dusiyay” oo ka yimid xafiiska xeer
ilaaliyaha Manhattan uu qeexayo "in musharraxa ugu cadcad musharraxiinta
xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore ee Mareykanka la xiri doono
Talaadada toddobaadkan.”
Farriin ay wakaaladda
wararka AP u dirtay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaanu xafiisku wali ka jawaabin.
Xubno ku dhowdhow Trumo ayaan iyana ka jawaabin mar ay AP wacday si ay arrintan
uga hadlaan.
Trump ayaan soo
bandhigin faahfaahinno ku aaddan sida uu ku ogaaday in la xiri doono.
Farriintiisa ayuu ku celiyey wararkiisii aan xaqiiqda aheyn ee ahaa in
doorashadii madaxtinimo ee 2020-kii ee uu ku guuleystay musharraxii Dimuqraadiga
Joe Biden ay ahayd mid la xaday wuxuuna taageerayaashiisa ku boorriyay in ay
bannaanbaxaan.
Saraakiisha amniga ee
magaalada New York ayaa waday diyaar garow dhanka ammaanka ah oo ku aadan
suurtagalnimada haddii dacwad lagu soo oogo Trump.
Waxa aan si rasmi ah
wali loogu dhawaaqin waqtiga ay qaadanayso shaqada ay sida qarsoodiga ah u
wadaan xeerbeegtida kiiska, oo ay ku jirto cod kasta oo suurtagal ah oo ku
saabsan in dacwad lagu oogayo madaxweynihii hore.
VOA