Khudbaddii xil: khadar guun maxaa kaaga baxay?

0
Saturday March 18, 2023 - 16:25:27 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 14212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Khudbaddii xil: khadar guun maxaa kaaga baxay?

    Waanu ku dul dumayaa ,hadii aanu doorasho qaban .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waanu ku dul dumayaa ,hadii aanu doorasho qaban .


Khudbaddii shalay Xil: khatar guun jeediyay waxa iiga baxay nuxurkeedii in uu farriin culus u diray madaxweyne M.Biixi oo uu ku yidhi:

madaxweyne M.Biixi dalka doorasho u qabo oo iskaga tag ,
inta aanu kugu dul dumin.


Waanu ku dul dumayaa ,hadii aanu doorasho qaban .

Waayo?

Waxa uu noqday qof aan qaadi karayn xilkan uu hayo ee loo doortay , oo aan cidna la tashanayn, cidna waxba ka dhegeysanayn, intii uu garanayayna way dhaaftay .

Waxaanu isku xeeray dad aan aqoon lahayn oo jaahiliin ah oo aan isaga dhaamin oo ka liita .
Sida dabagale taliyaha ciidanka Police ka oo kale oo taariikhdiisa tahay ,

In uu miyi malcaamad ka galay , kadibna ciidanka military-ga galay , oo aan aqoon u lahayn arimaha Police-ka iyo maamulkiisa iyo arimaha bulshada.

Police-ku waxa uu u shaqeeyaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo dhan ( raga-haweenka-dhalinyarada-
Culumada- aqoonyahaniinta- reer miyiga ).

Police-ku waxa uu u shaqeeyaa bulshada ( community) ga oo dhan waaxaheeda kala duwan oo dhan .
Police-ku siyaasad shaqo kuma laha ,dadka oo dhami ay way u siman yihiin. ( madaxweyne ilaa shicib) .
May ahayn in uu yidhaahdo reer hebel ha layga soo qabto iyo reer hebel ha la noo garnaqo iyo reer hebel ayaanu is-haynaa .

Waa nin la geeyay meel aanu waxba ka garanayn oo aqoon u lahayn oo uu ku asqoobay.
Dadkii wax garanayay wuu ka wada eray, sida Faysal oo dawladii somaliya ahaa sarkaal oo bartay cilmiga Police-ka oo jaamacado uga soo baxay iyo qaar kale oo badan .

Waxaanu isku xeeray ciyaal xiddigo lagu tolay oo aan waxba ka garanayn cilmiga iyo aqoonta Police-ka iyo bulshada.

Maanta waynu aragnaa waxa ka taagan Laascaanood, qaar kalena way ku xigaan ,
dalkana hadii ay doorasho ka qabsoomi waydo
Wuu dumayaa .( taasi waa xaqiiq) .

Markaa waxa loo baahan yahay in golaha baarlamaanka dalka badbaadiyo ,oo xil ka xayuubin ku sameeyaan madaxweyne M.Biixi .

Waayo khiyaamo qaran ayuu galay

maalintii uu garaadada hubaysan iyo ciidamada ay wataan iyo calankii ay siteen u soo daayay Laascaanood.
Badbaado qaran ayuu dalku u baahan yahay.


Cali maxamed Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...