Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Laascaanood

0
Saturday March 18, 2023 - 13:52:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Laascaanood

    "Waxa jira maxaabiis iyo gaadiid labada dhinac kala qabsadeen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa jira maxaabiis iyo gaadiid labada dhinac kala qabsadeen"



Dagaalka Laascaanood ayaa xalay abbaaro 4-ta subaxnimo dib uga billowday magaaladaasi.

 

Xidhiidh aan la sameeynaya dad magaaladaasi ku nool waxay noo sheegeen saqdi dhexe ee xalay iney ku soo baraarugeen daryanka madaafiicda magaalada ku soo dhacaysa.

 

Iyada oo ay noo sheegeen madaafiicdu iney ku dhaceen guriyo shacab iyo goobo ganacsi.

 

Dagaalkaasi oo la sheegayo inuu qasaara naf iyo maalba uu ka dhashay ayaa la sheegayaa in dadki dagaalkaasi ku dhaawacmay la geeyey isbitaallada Laascaanod.

 

Labada dhinac ee ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood ayuu midba midka kale ku eedeeyay inay ku horeeyeen weerarka.

 

Waxa jira maxaabiis iyo gaadiid labada dhinac kala qabsadeen oo midba gaarkiisa usoo bandhigay.

 

Dagaalkan ayaa imanaya xilli uu dagaalku maalmo uu taagnaa kaddib marki ay Itoobiya billowday iney u kala dabqaaddo dhinacyada halkaasi ku dagaallamaya.


Loading...
Loading...