Abiy Ahmed Oo Sheegay Inuu Xisbigiisa Musuq Maasuq La Dagay
Ra’iisal wasaaraha
Itoobiya, ayaa sheegay in xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Barwaaqo, uu
xiligan wajahayo dhibaato dhinacyo badan leh, oo ay ugu horeyso tuuganimo,
taasina ay caqabad ku tahay horumarkii la hiig sanayey.
Warkani, ayaa waxaa
lasoo saaray markii xisbigu soo gebagebeeyey shirkii guddida fulinta ee labada
maalmood u socday maalintii Jimcihii, March 8, 2015.
Hoggaanka xisbiga, ayaa
waxa uu sheegay in kuwa dalka xatooyada ka wada inay yihiin xubno ku jira dawladdaa,
iyo kuwa wax maalgashada, iyo ururo qeyb ka ah warbaahinta.
Guddida fulinta ee
xisbiga Barwaaqo, ayaa ka dalbaday madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga,
inay bari ka noqdaan dhaca xoolaha dadweynaha, isla markaana ay la dagaalamaan
musuq maasuqa.
Shacabka iyo qeybaha
kala duwan ee warbaahinta, ayaa lagu sheegay in dhibaatada musuq-maasuqa ay ku
baaheyso dhinacyo kala duwan oo ka tirsan dowladda dhexe, iyo dowlad
goboleedyada.
Dhowr bilood ka hor,
dowladda ayaa u waxay dhistay hay’ad ka shaqeysa la dagaalanka musuq-maasuqa,
oo ay hogaaminayaan madaxda sare ee dowladda, si loogga hortago musuq maasuqa
ka jira hay’adaha iyo kordhinta isla xisaabtanka.
Taasi ayaa waxay
keentay in boqollaal qof lagu tuhmo inay ku lug leeyihiin musuq-maasuq, oo ay
ku jiraan mas’uuliyiin sarsare oo dawladda ka tirsan markaana la xirxiray,
kuwaasoo lahor keeni in maxkamad.
BBC