Maxay Puntland Uga Maqantahay Shirka Baydhabo?

0
Saturday March 18, 2023 - 09:33:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxay Puntland Uga Maqantahay Shirka Baydhabo?

    'meel marin hadaad maqasho waa wax aan wadatashi galayn'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'meel marin hadaad maqasho waa wax aan wadatashi galayn'


 


Maalinkii labaad ayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya shri uga socdaa magaalada Baydhabo. Madaxweynayaasha afar dawlad goboleed oo uu san ku jirin kan Puntland iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa ku sugan shirka.

 

Waxaa la is waydiinayaa, maxay Puntland ku saluugtay shirkaa?

 

Maxamuud Caydiid, wasiirka warfaafinta ee Puntland oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in sababta ay u maqan yihiin ay tahay, wadatashi la'aan ay dawladda fedraalka ah ku samaysay dhamaan heshiisyada lagu saxiixo shirarka golha.

 

Tusaale wuxuu u soo qaatay shirkii ugu dambeeyay ee Puntland ay qaadacday qaar kamid ah qodobadii ka soo baxay, madaxweyne Saciid Deni na uu diiday in uu qalinka ku duugo.

 

Fedaraaleynta dastuurka iyo xadeynta awoodaha dawladda iyo dawlad goboleedyada ayaa ahaa labadii qodob ee ay walaaca ka muujiyeen.

 

"[Dawladdu] waxba nagama waydiin labadaa qodob, iyadaa hawsheeda iska wadata...waa wax lala cararayo, meel marin hadaad maqasho waa wax aan wadatashi galayn'. Ayuu yiri wasiir Caydiid.


Loading...
Loading...