Somaliland Oo Dagaal Saaka Ka Dhacay Laascanood War Ka Soo Saartay
Hargaysa (HWN) Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in saaka 4:30
subaxnimo uu dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Somaliland ayaa
sheegtay in dagaalkan ay ku soo qaadeen kooxaha ku sugan Laascaanood iyo
ciidanka Maamul Goboleedka Puntland, sida ay xukuumadu ku sheegtay
war-saxaafadeed ay saaka soo saartay.
"Waxaanay Ciidamada
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo
qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba
Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku
dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.
Masuuliyadda weerarkan
waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay
hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi.
Dagaalkan saaka ay soo
qaadeen Ciidamada Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isgarabsanaya ayaa
ahaa mid muddooyinkii u danbeeyey laga shaqaynayey abaabulkiisa meelo badana la
isaga yimi, ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabay
weerarkan ay soo qaadeen Puntland iyo huwanta la socotaa” ayaa lagu yidhi
war-saxaafadeedka xukuumada Somaliland.
Maalmihii ugu dambeeyay
waxa degenayd xaalada Magaalada Laascanood, taasi oo aan wax dagaal ahi ka
dhicin.
Dhinaca kale Puntland ayaa
marar badan beenisay inay qayb katahay dagaalka Laascaanood.