Erdogan Oo Sheegay Inuu Taageerayo Dhamaystirka Xubinnimada Finland Ee NATO.
Madaxweynaha dalka
Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inay dawladdiisu ay taageeri
doonto ansixinta xubinimada Finland ee Isbahaysiga NATO, taasoo u fududaynaysa
in dalkaasi uu xubin buuxda ka noqdo NATO.
Hadalkan ayaa ku soo
beegmay iyada oo uu dalka Turkiga ku sugan yahay madaxweynaha Finland Sauli
Niinisto, isaga oo la kulmay madaxweyne Erdogan. Sweden iyo Finland ayaa hore u
codsaday ka mid noqoshada isbahaysiga NATO, muddo haatan laga joogo toban
bilood, iyaga oo tobanaan sano ku soo dhaqmayey siyaasado dhexdhexaad ah.
Xubnaha cusub ee ku biiraya
NATO ayaa looga baahan yahay inay ansixiyaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka
ah, waxaana codsigooda ka horyimi dalalka Hungary iyo Turkey, iyada oo dalalka
kale ay ogolaadeen.
Turkiga ayaa labadan
dal ku eedeeyey inay gabbaad siiyaan ururo uu Turkigu u arko inay argagixiso
yihiin, isaga oo si gaar ah farta ugu sii fiiqay dalka Sweden.
Ogolaanshaha xukuumadda
Turkiga ka dib, haatan waxaa la filayaa in baarlamaanka dalka Turkigu inuu
ansixiyo arjiga Finland, waxaana la filayaa in tallaabadani ay dhammaato ka hor
doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga ee dhacaysa bisha May 14-keeda.
Madaxweyne Erdogan ayaa
sheegay in ogolaanshaha Turkiga ee arjiga Sweden inay ku xidhan tahay,
tallaabooyinka ay qaaddo xukuumadda dalkaasi.
VOA