Habalaheena Soo Kacay, Hooyooyinkii Aroortiyo, Hororaan Hanbaynayn, Ayaalaga Hormariyaa.

0
Friday June 21, 2019 - 16:09:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habalaheena Soo Kacay, Hooyooyinkii Aroortiyo, Hororaan Hanbaynayn, Ayaalaga Hormariyaa.

    HABALAHEENA SOO KACAY,HOOYOOYINKII AROORTIYO,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HABALAHEENA SOO KACAY,HOOYOOYINKII AROORTIYO,

HALBAWLAHA DALKENIYO,HUGII WEEYE QARANKEE,

HALYEYADA INOO DHALA,HIGAADIYO AFKA U DHIGA,

HADHAC DAMALA WEEYAAN,IYO HOOYGA RAAXADA,

HANTIDA IYO DHAQALAHA,AYAGA HORMARIN KARA,

HAYINKA REERKA WEEYOO,IYAGAA U HAWLGALA,



HALKA AY KA MAQANYIIN,MALE HAYBADIYO QURUX,

HEER SARE NIN GAADHABA,HABLAA GEEYEY MEESHA,

HORORAAN HANBAYNAYN,AYAA LAGA HORMARIYAA,

HALKOODII LA GELIYAA,HAGRATAAN XAQOODANA,

HUQDOODUNA INAGU MAQAN,OO WAYNU HAYNAA,

HAYNTOOD WAA XISHOODKO,HAYB IYO QABIIL MA LEH,

HADAL WAXAN KU SOO JARAY,WAA HOGAYNU XIDHNA.

     ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...