Ruushka Oo Ku Hanjabay Inuu Qaadayo Tallaabo Culus Oo Ka Dhan Ah Ukraine

0
Saturday March 18, 2023 - 08:05:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Ku Hanjabay Inuu Qaadayo Tallaabo Culus Oo Ka Dhan Ah Ukraine

    "Dabcan inta uu socdo howlgalka milateri ee gaarka ah, dhammaan aaladaha milateri waa la burburinayaa,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dabcan inta uu socdo howlgalka milateri ee gaarka ah, dhammaan aaladaha milateri waa la burburinayaa,"



Dowladda Ruushka ayaa ku hanjabtay inay burburin doonto diyaaradkasta ee dagaal ee ay Ukraine siiyaan xulafadeeda, kaddib markii laba dal ay ballanqaadeen inay bixin doonaan diyaarado.

 

Waddanka Slovakia ayaa noqday dalkii labaad ee Nato ka tirsan ee Kyiv u ballanqaada inuu siinayo diyaaradaha dagaalka ee MiG-29, warkan oo soo baxay Jimcihii maalin uun kaddib markii Poland ay taageero noocaas oo kale ah fidisay.

 

Dowladda Slovakia ayaa sannadkii la soo dhaafay joojisay isticmaalka diyaaradahaas kuwaas oo haatan iska yaal garoomada.

 

Dowladda Ukraine ayaa dalalka reer Galbeedka waxa ay waydiisatay diyaarado dagaal oo casri ah, hasayeeshee tababarka oo waqti dheer qaadanaya ayaa arrintaas loo arkay in faa’iidadeeda la heli doono mustaqbalka fog uun.

Ukraine ayaa diyaarado dagaal oo dheeraad ah oo ay hesho waxay u aragtaa inay muhiim u yihiin difaaceeda iyo inay qaaddo weerraro rogaal celis ah, xilli sannad laga joogo duullaankii Ruushka.

 

Dalal kale oo Nato ka tirsan ayaa qorshaynaya inay diraan diyaarado dagaal sida MiG-29 - oo ah nooc la sameeyay waayihii Midowgii Soofiyeet - diyaaradahaas oo duuliyayaasha Ukraine ay u tababran yihiin inay duuliyaan.

 

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee loogaga arrimiyo waddanka Ruushka, Dmitry Peskov, ayaa cambaareeyay qorshahaasi, isagoo sheegay in diyaaradahaasi aanay saamayn ku yeelan doonin natiijada laga filanayo "howlagalka gaarka ah ee milateri” ee Moscow, oo ah sida ay ugu yeeraan dagaalka socda.

 

Waxa uu sheegay in diyaaradahaas ay "dhibaatada uun ku sii kordhin doonaan Ukraine iyo dadkeedaba”.

 

"Dabcan inta uu socdo howlgalka milateri ee gaarka ah, dhammaan aaladaha milateri waa la burburinayaa,” ayuu sii raaciyay afhayeenka.

 

Ballanqaadyada ay sameeyeen Poland iyo Slovakia ayaa Ukraine u ah tallaabo wanaagsan - dalkaas oo diyaaradaha uu haysto ay ka badan yihiin duuliyayaasha u tababaran - hasayeeshee lama filayo in isbadel ballaaran ay horseedi doonaan.

 

Mas’uuliyiinta Ukraine waxa ay sheegayaan in waxa ay aadka ugu baahanyihiin ay yihiin diyaaradaha dagaalka ee uu Mareykanku farsameeyo ee F-16.

 

Yuri Sak, oo ah sarkaal sare oo Ukraine kala-taliya arrimaha gaashaandhigga, ayaa sheegaya in diyaaradaha jiilka afraad ay leeyihiin awood aad u sarraysa.

 

Waxayse weli u muuqataa in Ukraine aanay heli doonin diyaaradahaas - ugu yaraan waqtigan la joogo, maadaama ay muddo qaadan doonto in duuliyayaasha Ukraine lagu tababaro diyaaradaha dagaalka ee reer Galbeedka.

 

Saraakiisha milateriga reer Galbeedka ayaa xilligan shaki ka muujinaya bixinta diyaaradaha dagaalka ee casriga ah. Waxa ay diiradda saarayaan sidii Ukraine loogaga caawin lahaa inay ku guulaysato dagaalka.

 

Jiidda hore ee dagaalka ayey labada dhinacba aad ugu adeegsadaan hannaanka difaaca ee cirka. Ciidammada cirka ee Ruushka ayaa aad uga ballaaran kan Ukraine waxaana sidaasi ugu suuragashay inay maamushaan hawada sare.

Bilowgii duullaanka buuxa ee uu Ruushku ku ekeeyay Ukraine ayaa waxaa la rumaysnaa in Kyiv ay haysato 120 diyaaradood oo awood u leh inay dagaal qaadaan – oo u badan MiG-29 iyo Su-27.

 

Jimcihii, ra’iisul wasaaraha Slovakia Eduard Heger ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in dowladdiisu ay ansixisay inay Ukraine u dirto 13 diyaaradood oo nooca MiG-29 ee uu dalkaasi leeyahay.

 

Waxa uu sheegay inay tahay "in la fuliyo ballanqaadyada” sidoo kalana uu ku faraxsanyahay in dalal kale ay ka jawaabayeen codsigii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu dalbanayay hubka badan.

 

Ma ay cadda tirada diyaaradaha dagaalka Slovakia ee howlgali kara.

 

Mr Heger ayaa sheegay in Slovakia ay sidoo kale suuragal tahay inay Ukraine u dirto qeyb kamid ah hannaankeeda difaaca ee Kub.

 

BBC


Loading...
Loading...