Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Ee Somaliya
Shirka Golaha
Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa
maalintii labaad ka socda magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.
Shirka oo uu
guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa maanta looga hadlay warbixinno
ay soo gudbiyeen guddiyada u xil-saaran soo dharaan dhirinta hannaanka
federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka,
sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.
Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa isna qoraal uu soo dhigay Facebook ku yiri
"Shalay iyo maanta waxay madaxdu isla lafa-gureen qodobo dhowr ah oo muhiim u
ah Dowlad-dhiskeenna kuwaas oo kala ah; Dib-u-eegista qaab-dhismeedka Amniga
Qaranka, Federaaleynta hannaankeenna Maaliyadeed iyo sidii dalkeenna iyo
dadkeennu ugu gudbi-lahaayeen hannaan doorasho oo dadku wax doortaan.”
Shirka ayaa waxaa ka
qeyba galaya Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka
Saalax Jaamac iyo madaxweyne goboleedyada Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen
HirShabeelle Cali Guudlaawe, Jubbaland Axmed Madoobe, Galmudug Axmed Qoor Qoor,
iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Shirka ayaa waxaa ka
maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, mana jiro wax war ah oo
kasoo baxay Puntland oo ku saabsan sababta uu uga baaqday.
Hase yeeshee, Puntland
go’aan kasoo baxay 9-kii Janaayo ku sheegtay in maamulku uu dhaqmi doono sidii
dawlad madaxbanaan inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meel-gaarka ah ee
Soomaaliya.