Goooni Isu-Taagga Somaliland: Maroodi Baa Minanka Ku Jira
Maqaallo badan oo
Ingiriisi ku qoran ayaa lagu baahiyey boggan WardheerNews ilaa maalintii (5tii
Febrayo 2023) ee ay qaraxday colaadda Laascaanood. Qoraalladaasi dhinacyo badan
bay ka eegeen colaaddaas, si ay u macneeyaan sababaha ka dambeeya dabka qarxay
iyo axwaasha ku gadaaman sida: saamaynta loolanka istraataji-dhuleed ee
Shiinaha iyo Maraykanka ee Geeska Afrika, is-ahaanta reernimo, marjaca taxanaha
taariikhda daraawiishta, xuduudihii gumeysiga, sinnaan la’aanta siyaasaddeed
iyo horumarineed ee deegaannada iyo dabcan gooni-goosiga Somaliland (SL). Waa
ku mahadsan yihiin qorayaashu faalloyinka ay bixiyeen.
Anigu wax badan ku
kordhin maayo arrimaha kore, waxaan se is-leeyahay waa muhiim in Af-Soomaali
lagu weeleeyo taariikhda shaqaaqada socota. Waxa aan dareemay in aan far
waaweyn lagu qorin, aadna loo ifin isirka Kowaad, siyaasadeed, ee colaaddu ku
aroorto: gooni-goosiga Somaliland; marka laga reebo maqaalkii Dr Aweys.
Gooni-goosigu dhib kuma
aha keliya beelaha darafyada (beelaha aan Isaaqa ahayn) ee waqooyiga dalka,
wuxu dhib ku yahay beelaha Isaaq dhexdooda iyo sidoo kale Soomaali oo dhan.
Tusaale ahaan, waxay dhegtaadu maqli, marar badan, madaxda maamulka Somaliland
oo fagaarayaal kaga khudbaynaya xisbiga Waddani wuxuu diidan yahay
gooni-isu-taagga ama sida ay hadalka u dhigaan waa Soomaali-weyn, macnihii waa
xisbi u taagan midnimada jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee dhalatay 1dii Luuliyo
1960.
Madaxweyne Muuse Biixi
wuxu doorashadii madaxtooyada ee 2017 ku ololeeyey, kursigana ku koray, xisbiga
Waddani gooni-isu-taagga Somaliland ma aaminsana oo Xamar ayaa laga
taageeraa. Taageerayaasha md. Biixi-na
waxay, mar walba, taageerayaasha mucaaridka la daba socdaan eedaynta ah
Soomali- weyn ayaa tihiin. Dhaleecayntaas joogtada ah waxa ka dhashay beelaha
Isaaq oo qalbigoodu kala fogaado, dhexdoodana kala irdhooba.
Waxa kale oo
warbaahinta ku soo noq-noqotay in marba dhallinyaro loo taxaabo xabsiyada
iyadoo loo nisbayno inay bandhig faneed Xamar lagu qabtay ka qayb-qaateen.
Dhallinyaro kalena waxa xoriyaddooda looga qaadaa shaati/labbis buluug ah
iyagoo xidhan baa facebook-ga lagu arkay.
Dagaalladii riiqda
dheeraaday ee ka dhacay waqooyiga (Isaaq dhexdiis) sannadihii 1994 – 1996,
qab-qablayaal dagaal-na ay ka ahaayeen Biixi iyo Kaahin, xagga jiidda dagaalka,
dadka badanina ku naf-waayeen, waxa dhiigga dadka lagu bannaystay qaybo
bulshada ka mid ah (beelaha Garxajis) ayaa Soomaali-weyn ah, maantana waa
dhiigga reer Laascaanood.
Ogow loolanka
siyaasadeed ee maanta ka taagan Somaliland wuxu taariikhiyan ku arooraa
dagaalladaas socday 1994-96 ee loo yaqaanay Maryo-Alool. Md Biixi maankiisa
kuma soo dhacdo in shacabka laga bogsiiyo taariikhdaas mugdiga ah, illayn
haddii kale wuu joojin lahaaye. Mar walba nabarkii ayuu xoqayaa.
Mudaharaaddadii ka
dhacay magaalooyinka Somaliland qaarkood 18kii bishii Ogost 2022 ee dadku ku
dhinteen, qaar badanina ku dhaawacmeen, boqollaal dhallinyaro ahna xabsiyada
loogu guray, waxa wasiir Kaahin ku sababeeyey in Xisbiyada mucaaridku soo
geliyeen Hargeysa iyo magaalooyin kale ciidan argagixiso ah oo Xamar ka yimi.
Mar kale ayaa, haddana, gooni-goosi/isu-taag loogu qiil bannaystay dhiig
muslim. Goodinta maamulka Somaliland ee ah bulshada qayb ka mid ah ayaa diidan
gooni-isu-taagga waa hal-ku-dheg beenaad iyo tab ay ku kala qaybiyaan shacabka,
kuna suuxiyaan dadka, si ay u sii wataan ku takrifalka awoodda dawladnimo.
Waxa intaas dheer in
shabacka beesha dhexe loo tuso in walaalahooda koonfureed ay yihiin cadwgooda,
iyagoo xabaalaha ka soo qufa dilkii, burburkii iyo qaxii loo geystay 1988kii.
Bal hadda qabsoo, Biixi iyo dawladdiisu waxay macaamil joogta ah oo maaliyadeed,
siiba kaalmada caalamiga ah, la leeyihiin Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS),
waana sababta maanta wasiirkii hore ee maaliyadda DFS, mudane Beyle, maalin
dhowayd loogu soo dhoweeyey Hargeysa.
Mintidka gooni-goosigu,
siiba madaxdoodu, waxay ku faanaan SNM baa dhalisay/keentay dawladnimada
Somaliland, sidaa darteed-na ka mudan beelaha kale, taasoo faquuqda beeliha
waqooyi ee aan iyagu taageerin SNM. Xataa waxay dhaleeco u soo jeediyeen
dooddii professor Axmed Ismaaciil Samatar ee ahayad in maalinta Somaliland laga
beddelo 18ka May, lagana dhigo 26ka Juun oo ah maalin ay wadaagaan shacabka
waqooyi oo dhami.
Barnaamijkii
siyaasdadeed ee ururka SNM kuma uu jirin gooni-goosigu. Xag-jir-nimada
gooni-goosigu waxay keentay in ruug-cadaagii siyaasadda ee reer waqooyi, oo ay
ku jiraan hoggaamiyaashii siyaaasadda SNM, inay ka haajiraan guryahoodii iyo
eheladoodii.
Aan ku soo noqono
Laascaanood. Dagaalka Laascaanood waxa loo qaaday, ka dib markii maamulka
Hargeysa ogaaday in 5tiii Febrayo 2023 garaadadu ku dhawaaqayaan midnimada
Soomaaliya. Iyana waa mar kale oo gooni-isu-taag lagu bannaystay dhiig muslim.
Maamulka Somaliland
illaa hadda garan maayan cidda ay Laascaanood isku hayaan. Maalin walba sheeko
cusub oo shaamareer dhalisa ayey la shir yimaadaan sida: DFS ayaa nala
dagaalamaysa, Puntland ayaa na soo weerartay, argagisixo ayaa nala diriraysa,
Daarood baa isu habar-wacday, Dawlad Deegaanka Soomalida ayaa nagu soo duulay..
Md Biixi jihadii baa ka luntay!
Dhowaan waxa Hargeysa
iyo Burco ka dhacay dabbaal-degyo ay soo abaabushay madaxtooyada Hargeysa,
kuwaas oo loogu damaashaadayo colaadda iyo dhiigga daadanaya ee ka aloosan
Laascaanood; dhallinyaro ka diiqootay damiir xumadaas-na xabsiga ayaa loo
taxaabay. Waxaan xasuustay tuducyo ku jiray maansadii Debedyaal ee M I Warsame
Hadraawi:
Ma og-tahay degmadayada
Dugsi keliya baa jira
Diric Keliya baa dhiga
Dersi baanu baranaa
Dulliga iyo beentiyo
Doqonniimo faankiyo
Qoqobkiyo dir-soociyo
inta laga diqoodiyo
Dawarsigu uu ka kow
yahay.
In shacabka lagu kala
dir-sooco gooni-isu-taag doon iyo gooni-isu-taag diid, isla markaana dunida loo
sheego shacabka Somaliland waxay 100% taageersan yihiin gooni-isu-taagga waa
xisaab aan is-daboolayn iyo nifaaqa sida u yaal.
Gebo-gabadii,
gooni-goosiga Somaliland, Soomaaliya oo dhan buu dhib ku yahay, shacabka
Waqooyi oo dhan buu dhib ku yahay, siiba beesha Isaaq buu dhib ku sii hayaa. Ka
dhigan maroodi minankii galay, laga dhaad qabo, la og-yahay inuu dhib yahay,
isla markaana la is-inkirsiinayo.
Haddaba, ilaa si xor ah
shacabka waqooyi uga doodaan sidii maroodiga minankii galay looga saari lahaa,
maare loo heli maayo colaadda Laascaanood. Inta md Biixi taas diidan tahay-na
caafimaad dhimay. Ilaah baan maganasanay.
Wa Billaahi Towfiiq
Maxamuud Cabdillahi
Axmed
Email:
[email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!