Isku-daygii Mideyntii SNM iyo SSDF W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Friday June 21, 2019 - 15:18:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku-daygii Mideyntii SNM iyo SSDF W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Wakhtiyadii ay dagaalka hubeysan ku jireen labadii jabhadood ee SNM iyo SSDF,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakhtiyadii ay dagaalka hubeysan ku jireen labadii jabhadood ee SNM iyo SSDF,

oo weliba ay soo diciifaysay jabhadii SSDF, ayuu ku xigeenkii madaxweynihii Liibiya Kornayl Qadaafi yimid magaalada Adiis ee caasimada Itoobiyada maanta. Waxaanu maqlay in labada jabhadood aanu ka dhexayn waxa xidhiidh ahi. Inkasta oo ay hore xidhiidh u lahaayeen dawlada Liibiya iyo jabhadii SSDF ee uu hogaaminaayey Kornyal Cabdilaahi Yuusuf Axmed, hasayeeshee hogaanka SNM way isku cusbaayeen.



Cabdisalaan Jaaluud oo ahaa ku xigeenkii Qadaafi ayaa go’aansaday in labada urur loo  fidiyo martiqaad oo loo geeyo Kornayl Qadaafi oo Liibiya lagu heshiisiiyo. Markii ay arrintaasi oo baxday ee uu maqlay hogaamiyihii Itoobiya Kornayl Mingiste ayuu ku yidhi waar waa tan aad Liibiya tagaysaan ee martiqaad la idiin fidiyey, anna berri ayaan tagayaan Ruushka iyo Jarmalka bari, haddaba si aan dalalkaasi wixii caawimo idiinka doono oo aan idhaahdo way midoobeene soo caawiye, bal isku taga oo ii keena waxaad ku mideysan tihiin. Shir deg dega ah ayey madaxdii labada jabhadood yeesheen, waxaana shirka ku soo biiray saddex wasiir oo Itoobiya ka socda oo kala ahaa, caddaalada, warfaafinta iyo amniga gudaha, waxaanu kulanku ka dhacay xarun ay leedahay wasaaradda warfaafinta Itoobiya.


Dooddii shirka

Maalintii oo dhan ayaa shirkii la isku mari waayey, markii la isku mari waayey, ee Mingistena go’aan ka sugaayo, ayey markii dambe is-yidhaaheen waaraadha dhagaysta markii horaba waynu is-ogeyn waxa ugu yare e aynu ku heshiis nahay waxa ay ahayd idaacadda oo aynu wadaagno, waar aynu u Afsoomaaliyeyno odayga (Mingiste) oo aynu u dhiibno. Markii wax kala lagu heshiin waayey ayaa ra’igaasi la isku raacay kaasi oo u dhignaa sidan:


"Xooggaga mucaaridka ee SNM iyo SSDF waxa ay ku heshiiyeen inay mideeyaan warbaahintooda iyo barobogaandada lidka ku ah nidaamka faashiga ah ee Soomaaliya ka taliya. Kuna wada shaqeeyaan idaacadda codka mucaaridka ee mideysan ee KULMIS ee labada jabhadood ee SNM iyo SSDF”


Qoddobkaasi heshiis macmalka ah ayey u dhiibeen saddexdii wasiir oo u geeyey Mingiste.

SNM iyo Kornayl Qadaafi


Wefi ka socda SNM oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SNM ee wakhtigaasi Sheekh Yuusuf Sheekh Cali ayaa ka amabaxay Adiis, waxaana sii kaxeeyey safiirkii Liibiya u fadhiyey Itoobiya, waxaanay ka dageen caasimada Tiriboli. Waxa ay toos u bilaabeen ujeedadii kulankooda. Dalka Liibiya waxa sii joogay madaxdii jabhada SSDF oo uu hogaaminaayo Kornayl Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Hoolka shirku ka dhacayey waxa gidaarkiisa gudaha ku dhegan sawir ay ku wada jiraan Kornayl Qadaafi iyo Cabdilaahi Yuusuf oo gacanta ku haysta kitaabkii cagaarnaa ee uu Qadaafi dalkiisa ku maamuli jiray. Waxaana weftigii SNM galay shaki weyn, oo waxa ay meesha ka fahmeen in Cabdilaahi Yuusuf uu Qadaafi ka dhaadhiciyey inuu buugaasi dalka ku xukumi doono markuu qabsado. Qorshaha Qadaafi waxa weeyi in labada jabhadood la wadahadashiiyo oo ay midoobaan, ka dibna ay bayaan wada jir ah soo saaraan.


Bayaanka la doonayey in la soo saaraa wuu sii diyaarsanaa oo waxa hore uga sii shaqeeyey SSDF iyo Qadaafi, waxa keliya ka dhinaa inay labada dhinac saxeexaan. Labadii wefti ayaa la wadahadashiiyey, iyada oo ay goob joog ka yihiin saraakiil sarsare oo reer Liibiya ahi. SNM waxa ay ku dooday in aanay halkan go’aan ku gaadhi Karin, oo taladu ay u taalo xubnihii ururka ee ku sugnaa gudaha dalka Itoobiya, oo aanu ururku ahayn waxa nin kale xukumo. Markii la is-mari waayey ayaa la go’aamiyey in weftiga SNM loo geeyo Qadaafi. Intii aan weftiga SNM loo geynin Qadaafi ayaa waxa yimid Tiriboli weftigii uu Mingiste hogaaminaayey ee ku maqnaa Ruushka, waxaana toos hudheelkii ay ku jireen weftigii SNM ugu tegay wasiirkii amniga Itoobiya.


Waxaanu u sheegay inuu fariintan uga sido Mingiste oo ahayd” haddii aad midowga jabhadaha Soomaalida cidi sharafteeda qaadanayso aniga ku xaqle, oo waa in bayaanka lagu iclaamiyaa Addiis oo aan anigu (Mingiste) magaceeda qaataa. Xaq maaha in arrintaasi sumcaddeeda ay cid kale yeelato oo ay Tiriboli ka dhacdo. Maxay idin siiyaan? Anigaa idin siiyey halkii aad ka hawgalayseen oo idiin ballaqay albaabadii aad dalka ka xoraynaysaan. Waxa aan idinka codsanayaa inaad ku adkaystaan in aan midowga jabhadaha Tiriboli lagaga dhawaaqin”. Weftigii SNM codsigaasi si weyn ayey u soo dhaweeyeen, sababta oo ah iyagu diyaar ba umay ahayn saxeexa bayaanka ay si hoose u soo diyaarsatay jabhada SSDF.   


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

La soco………..

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...