Afar Shay Oo Muhiim Ah In La Nadiifiyo Balse Dadka Badanaa Aysan Ku Baraarugsaneyn
Waxyaabaha inta badan
diiradda la saaro waxaa kamid ah nadiifinta guryaha inkasta oo ay guryaha kala
duwan yihiin, Dadka qaar maalin kasta guryahooda ayay nadiifiyaan halka qaar
kalena ay hal toddobaadkii nadiifiyaan guryhaooda.
Sida laga soo xigtay,
sahan uu sameeyay macadka qaran ee ka faalooda arrimaha nadaafadda ee
Mareykanka, boqolkiiba 70% guryaha iyo dhulka ku xeeraan waxaa la nadiifiyaa
hal mar sanadkiiba.
Dadka waxay ku kala
duwan yihiin inay mudnaanta siiyaan qeybaha kala duwan ee guryaha, qaarkood
waxay diiradda saaraan jikada halka qaar kalena musqusha, meelaha muhiimka ah
in la nadiifiyo waxaa kamid ah oornada, musqusha, sariiraha- halkaasoo si weyn
ay ugu uruuraan jeermiska, fungi iyo bakteeriyada.
Si kastaba ha ahaatee,
waxaa jira shay gaar ah iyo meelo bannaan oo laga yaabo in aan diiradda la
saarin, laakiin waxaa halkaas ku uruuraa wasakhda oo ka dhalan kara caafimaad
darro.
Waxaan halkan idiin
kuugu soo gudibneynaa afar shay oo muhiim ah in la nadiifiyo balse dadka
badanaa aysan ku baraarugsaneyn.
Jalmad ama kirli
Baaritaan ay sameeyeen
Ururka Caafimaadka iyo Badbaadada Dadweynaha ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo
(NSF) waxay muujinaysaa in mid ka mid ah waxyaabaha lagu isticmaalo jikada ee
inta badan uu ku uruuro jeermiska uu yahay kirliga ama jalmadda lagu karsado
kafeeda.
Cilmi-baarayaasha waxay
gudaha jalmadda ka heleen ilaa 97 nooc oo kala duwan oo jeermis ah.
Arrinta xaqiiqada ah
ayaa ah in biyaha kulul aysan jeermiska ka saari karin jalmadda iyo sidoo kale
maadada caffeine-ka ee kafeega ku jirta ay ka qeyb qaadato kobaca bakteeriyada
gudaha kirliga.
Sidoo kale , jalmadda
marka uu ku uruuro waskhada waxay saameyneysaa shaqada welkaas.
Khuburrada waxay soo
jeedinayaan in saddexdii biloodba la nadiifiyo jalmadda.
Joodariga
Ma fududo in si joogto
ah loo nadiifiyo joodariga lagu seexdo.
Xaqiiqada waxay tahay,
in jirka banii'aadanka uu maalin kasta soo saaro 1.5 garaan oo maqaarka dhintay
ah kaasoo had iyo jeer ku uruuro joodariga.
Daraasad lagu daabacay
joornaalka Royal Society Open Science journal 2018 ayaa muujisay nadaafadda
joodariyaasha uu seexdo qofka bini'aadamka ah marka loo eego xayawaanka
chimpanzee.
Daraasadda waxay
tilmaamtay in bini'aadamka ay wasakheeyaan joodariga ku dhawaad boqolkiiba
30% oo ka badan wasakheynta xayawaanada kale.
Wasakhdaas waxay ka dhalataa
in maqaarka unugyadiisa dhintay ee uu soo saaro banii'aadanka ay ku uruuraan
joodariga, sidoo kale boorka iyo dhididka qofka, waxaa ka dhalaan karaa
bakteeriya iyo kutaan.
Khubarada ayaa sheegay
in sanadihii u dambeeyay ay soo baxeen habab kala duwan oo lagu nadiifiyo
joodariyaasha.
Waxaa sidoo kale dadka
lagu la talinayaa inay qoraxda dhigaan joodariyaasha si looga hortaggo
bakeetiyada ama jeermiska.
Bacaha lagu soo adeegto
Waxaa dadka lagula
taliyaa inay iska tuuraan ama ay nadiifiyaan bacaha marka ay isticmaalaan
kadib, ugu yaraan toddobaadkii waa in qashinka ku riddaa bacaha aad kusoo
adeegatay.
"Haddii aad
adeegsaneyso bacihii aad kusoo qaadatay hilibka iyo khudaarta, waxaa si deg deg
ah ugu dhalan karaa bakteeriya" ayuu yiri Charles P. oo ka tirsan
jaamacadda Arizona.
Shaqaalaha Machadka
Nadaafada Qaranka ee Maraykanka ayaa ku talinaya in bacahaas gacanta lagu dhaqo
- ugu yaraan hal mar toddobaadkii.
Suufka lagu dhaqo
weelasha
Inta badan suufka waxaa
lagu dhaqaa weelasha si ay uga saaraan wasakhda iyo mirirka, dadka diirsadda ma
saaran nadaafadda suufkan maadama saabuunta mar kasta lagu isticmaalo suufkaas.
Hagaag, daraasad ay
samaysay Jaamacadda Furtwangen, ee Jarmalka, ayaa tilmaantay in laga yaabo inay
jiraan tiro badan oo jeermis iyo bakteeriyada halista ku ah banii'aadanka laga
helo suufka lagu dhaqo weelka.
Daraasadda waxay sidoo
kale sheegtay in suufkan laga helay ilaa 362 nooc oo bakteeriya ah.
Khuburrada waxay soo
jeediyeen in suufkan lagu dhaqo maadada koloriin toddobaadkiiba mar si looga
fogaado bakteeriyadan halista ah.
BBC