Daraasad: Maxaa Kugu Dhacaya Markaad Cusbo Badan Cunto?

0
Friday March 17, 2023 - 09:24:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad: Maxaa Kugu Dhacaya Markaad Cusbo Badan Cunto?

    "Taasi waa sababta WHO ay 2023 da u bilowday olole ay ku yareyneyso isticmaalka cusbada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taasi waa sababta WHO ay 2023 da u bilowday olole ay ku yareyneyso isticmaalka cusbada"



Si dhadhan loogu yeelo cuntada, cusbada waxay qayb muhiim ah ka tahay raashin kasta ee dunida yaalla.

 

Laakiin dad badan oo dunida ku nool ayaa cuna cusbo ka badan tii ay u baahnaayeen, taas oo sababta dhimasho badan, sidaas waxaa sheegay Ha’adda Aaafimaadka adduunka.

 

Maxay tahay waxa sida dhabta ah ay uga hadlayso daraasadaan? Imisa cusbo ah ayaa sax ah in la cuno? Maxaase dhaca markaad cusbo badan cunto? Inta aanan jawaabaha su’aalahaan dhexgalin, waxaan u baahanahy inaan ogaano maxay cusbadu muhiim u tahay.

 

Maxay cusbadu muhiim u tahay?

Cusbadu waxay taariikh fog oo muhiim u ah ku leedahay aadanaha. Dadka qaar ayaa ugu yeera dahabka cad.

Muhiimadeeda iyada oo aan laga hadlin ayaa raashinka lagu daraa. Xitaa hadii aad faraguuto yar ku darto cuntada ayay si wayn u badleysaa dhadhanka. Sidaa daraadeed cusbada waxaa loo isticmaalaa sare u qaadista dhadhanka cuntada.

 

Cusbada waxaa kale oo loo isticmaali jiray in la mariyo cuntada ka hor intii aan la helin qaboojiyaasha, cuntooyinka sida qajaarka, miraha qudaarta, kaluunka iyo wixii lamid ah ayaa la marin jiray si ay muddo u sii oolaadaan.

 

Cusbadu waxay ka caawisaa muqraha jirkeena in ay si habsami leh u kala baxaan, in neerfayaashu ay fariimo u kala diraan jirka, iyo inay isu dheeli tiraan biyaha ku jira jirkeena.

 

Magaca kiimikaal ka ah ee aan u isticmaalno cusbada waa sodium chloride, boqolkiiba afartan ayay ka kooban tahay cusbo. Intaas marka laga soot ago jirku wuxuu potassium chloride iyo iodine ka ka helaa cusbada.

 

Si kooban, cusbada waa macdan muhiim ah oo jirkeennu u baahan yahay. Balse hadii laga qaato wax yar ama wax aad u badan labada qatarteeda ayay leedahay.

 

Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Dunida ee WHO, ma jiro xilli ay tahay in la iska yareeyo cusbada, sababtoo ah dhamaan cuntooyinka aan cunno waxay leeyihiin cusbo. Balse isticmaalka cusbo badan waliba xilli aad u dheer waxay noqon kartaa Qatar.

 

Maxaa dhaca markaan cuno cusbo badan?

Sida ay daabacday Xarunta Kontoroolka Xanuunada ee Maraykanka, qaadashada cusbo badan waxaa ku lamaan dhibaatooyin daran oo caafimaad oo uu kamid yahay wadne-xanuun.

 

Sida ay sheegeen quburo caafimaad qaadashada saa’id ka ah ee cusbada ayaa soo dadajin karta xanuunka qalalka, xanuunada halbawlaha, dhiig-karka, wadne istaaga iyo dhimasho dagdag ah.

 

Sidoo kale waxaa jirta suuragalnimada in ay kugu dhacaan cayil xad dhaad ah, kansar, kilyo beel iyo dhumucda lafaha oo ku yaraata.

 

Taasi waa sababta WHO ay 2023 da u bilowday olole ay ku yareyneyso isticmaalka cusbada 30 boqolkiiba marka la gaaro 2025 ta.

 

Laakiin marka loo eego warbixintii ugu dambeysay, ku dhawaad wadamada caalamka oo dhan ayayna suuragal ahayn in ay gaaraan hadafkaas.

 

Sidee loo yareeyaa isticmaalka cusbada?

Cuntooyinka sajalan ayaa leh cusbo badan taas oo ku badisa sodium ka. Sidaa daraadeed WHO ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dawladuhu ay muhiimad siiyaan sameynta sharciyo ka dhan ah cuntooyinka diyaarsan iyo sidii loo dhaqan gali lahaa.

 

WHO ayaa tiri:

 

In la hubiyo in sharciga la waafajiyay tirada cusbada ee ku qoran leebalka cuntooyinak sajalan.

In wacyi galin laga sameeyo isticmaalka xad dhaafka ah ee cusbada.

In la yareeyo tirade cusbada ee ku jirta cuntooyinka la keeno isbitaalada, iskuulada iyo meelaha dadweynuhu isugu yimaadaan.

Dawladuhu waa in ay qaadaan talaabooyinkaan.

 

Waa masuuliyadda qof walba in uu yareeyo isticmaalka cusbada. Dadka nafaqada ku xeesha dheer ayaa kaartooyin ka bixiya isticmaalka cusbada.

 

Sare u qaad isticmaalka cuntooyinka fareeshka ah. Jooji isticmaalka cuntooyinka gasacadeysan markaad iibsanayso cunto diyaarsan, iska fiiri inta cusbo ah ee ku qoran leebalka waxaad gadaneyso. Sidoo kale waxaa la dhiirri galiyaa yaraynta iibsiga xawaashiyada iyo basbaasyada diyaarsan.

 

BBC


Loading...
Loading...