Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo booqasho rasmi ku tagay dalka Kenya iyo ujeedada safarkooda

0
Thursday March 16, 2023 - 17:47:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo booqasho rasmi ku tagay dalka Kenya iyo ujeedada safarkooda

    Weftigu waxa ay la kulmeen Madaxda Komiishanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigu waxa ay la kulmeen Madaxda Komiishanka



Weftiga Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha KDQ Md. Muuse Xassan Yuusuf ayaa booqasho rasmi ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markay martiqaad ka haleen dhigooda dalka Kenya IEBC.


Weftigu waxa ay la kulmeen Madaxda Komiishanka Doorashooyinka Kenya (IEBC) oo uu hogaaminayo Agaasimaha Fullinta Md. Marjaan Xuseen Marjaan oo ah mas’uulka waqtigan uga sareeya xafiiska, maadaamo oo aan wali la dhamaystirin xulista xubnaha cusub ee Komiishanka Kenya.



Kulankan oo ujeedkiisu ahaa sidii ay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL xidhiidh wada-shaqayneed ula yeelan lahaayeen dhiggooda dalka Kenya, iyo siddii KDQ JSL uga koradhsan lahaayeen aqoonta iyo waayo-aragnimadooda fullinta doorashaooyinka, maadaama ay labadan dal mataano ku yihiin qabadhada doorashooyin dimuqraadi ah.

Loading...
Loading...