Mareykanka oo Cabdiraxmaan Kaahin u aqoonsatay ganacsadaha sannadka 2023

0
Thursday March 16, 2023 - 17:45:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Cabdiraxmaan Kaahin u aqoonsatay ganacsadaha sannadka 2023

    Guuleystayaasha ayaa xaflad abaalmarin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guuleystayaasha ayaa xaflad abaalmarin



Madaxa Maamulka Ganacsiga Yaryar ee dowladda Maraykanka Isabella Casillas Guzman, ayaa ku dhawaaqday shakhsiyaadka hoggaaminaya ganacsiyada yar ee sanadka 2023-ka ee 50-ka gobol ee Mareykanka, degmada caasimadda, iyo deegaanka Puerto Rico.


Guuleystayaasha ayaa xaflad abaalmarin ah loogu qaban doonaa magaaladan Washington DC, 30-ka April, iyadoo 1-da May-na midkood loo aqoonsan doono ganacsadaha ugu mudan ee sanadkan ee ganacsiyada yaryar ee Mareykanka oo tiradoodu gaadheyso 33 milyan.



Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ah milkiilaha makhaayadda Afro Deli ayaa noqday Soomaaligii u horreeyey ee ku guuleysta ganacsadaha sanadka ee gobolka Mennisota waxaana uu ka qeybagli doonaa tartanka guud ee dhacaya bisha May.

Loading...
Loading...