Musharax CIRRO Oo Ka Hadlay Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Deegaanka Hargaysa Oo Geeriyooday
Musharraxa Madaxweynaha
Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku
hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka
ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada,
asxaabta, Bahda dawladda hoose ee Hargeysa, waxgaradka iyo guud ahaan
bulshada uu ka baxay Alle ha u
naxariistee marxuum xildhibaan Ismaaciil
Muuse Sheekh Aadan oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa ee
Xisbiga WADDANI.
Musharraxu waxa uu
marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo,
Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska balaadhan ee uu ka baxay, ehelada,
qaraabada iyo asxaabtana samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّالِلّهِوَإِنَّاإِلَيْهِرَاجِعون
Waaxda Warfaafinta ee
Xisbiga
WADDANI