Mareykanka Oo Beeniyey In La Qorsheeyey Weerar Ka Dhan Ah Iran

0
Friday June 21, 2019 - 15:03:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Beeniyey In La Qorsheeyey Weerar Ka Dhan Ah Iran

    Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa beeniyey warbixino ay warbaahinta ku sheegeen in madaxweyne Donald Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa beeniyey warbixino ay warbaahinta ku sheegeen in madaxweyne Donald Trump uu ansixiyey weerar ka dhan ah Iran balse uu dib uga laabtay, sababo aan la shaacin dartood.


Trump ayaa markii horey ansixiyey weeraro ka dhan ah goobo cayiman oo ku yaalla Iran, sida goobo military iyo raadaar, sida uu qoray wargeyska New York Times.



Washington Post iyo warbaahino kale ayaa sidoo kale shaaciyey in madaxweynaha uu amray weerar jawaab ah.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan dowladda Iran ay u sheegeen inay Trump ka heleen fariin lasoo marsiiyey dalka Cuman, oo loogu sheegay inay fishaan weerar.


Reuters ayaa sheegtay in jawaabta Tehran ee deg degga ay ahayd inay ka digtay cawaaqib gobol iyo mid caalami ah, haddii Mareykanka uu weeraro kusoo qaado.


Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa shalay sheegay inay soo rideen diyaarad drone oo basaas ah oo Mareykanka uu leeyahay, taasi oo sida ay sheegeen kusoo xadgudubtay hawada dalkaas, meel ku dhow Marinka Hurmuz.

"Diyaaradda basaaska RQ-4 Global Hawk ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhuftay gantaal markii ay kusoo

xadgudubtay hawada Iran ee dusha biyaha gobolka Hormozganā€ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ilaalada kacaanka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradda lasoo riday ay tahay nooca MQ-4C Triton, hase yeeshee ay ku

duuleysay hawada caalamiga ee Marinka Hormuz.


VOA.

Loading...
Loading...