Garaad Mukhtaar Oo Sheegay In Beelo Kamid Ah Isaaq Ay Maamul Goboleed La Samaysanayaan.
"midnimadii Soomaaliya-na ay soo noqon doonto"
Hargaysa (HWN) Garaad
Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Garaadada beesha Dhulbahante ee fadhigoodu
yahay magaalada Laascanood ayaa sheegay
in uu rajaynayo in Beelaha Habaryoonis, Garxajis, Warsangeli, Fiqishini iyo dhulbahante
ay samaysan doonaan maamul ay wada leeyihiin, sida uu ku sheegay Garaadku
waraysi uu bixiyay.
"Marka ay xabbaddu
dhamaato waxaanu rajaynaynaa in bulshada saddexda gobol wada degan ee
Habaryoonis, Habarjeclo, Warsangeli, Fiqishini iyo Dhulbahante ay isku iman
doonaan oo ay samaysan doonaan maamul ay wada leeyihiin, midnimadii
Soomaaliya-na ay soo noqon doonto"ayuu yidhi Garaad Mukhtaar Garaad Cali.
Loading...
Loading...