"Laascaanood Waxaa La Keeni Doona Ciidamo Itoobiyaan Ah,...." Siyaasi ali Guray

0
Wednesday March 15, 2023 - 10:12:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Laascaanood Waxaa La Keeni Doona Ciidamo Itoobiyaan Ah,...." Siyaasi ali Guray

    Somaliland Xagay Ku Socotaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Xagay Ku Socotaa?



 

 

Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in haddii colaada Laascanood laga heshiinwaayo ay dhici karto in ciidamo itoobiyaana lakala dhex dhigo ciidamada Laascanood ku dagaalamaya.

 

Cali guray ayaa qoraal uu baahiyay intaasi raaciyay in sidoo kale Somaliland haddii ay ka heshiin waydo muranka doorashada ay xaalada Gobolada Somaliland faraha kabixi karto, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

Somaliland Xagay Ku Socotaa?

Laascaanood Muuse iyo ina Suldaan Cali markaan eego xataa xal dhiigjoojin ah kuma heshiin karaan. Bulshada Caalamku in ay farogelin toos ah ku sameeyaan si loo joojiyo dhiigga daadanaya maaha wax aan laga fakiri karin.

 

Hadii ay xaaladu qasabto oo waxba lagu heshiin waayo IGAD iyo AU waxa dhici karta in Itoobiya ay u xilsaaraan suggidda nabadgelyada Laascaanood Q.M lafteeduna ay sidaa baarigto. Taas oo micnaheedu yahay in ciidamo Itoobiyaan ah la keeni karo Laascaanood labada ciidan ee isku horfadhiyana la kala durkiyo   lagana fogeeyo magaalada labadoodaba. Labada dhinac ma wada ogolaan doonaan, ma dhinac baa diidi, mise labaduba way ku gacansaydhi hadii ay timaadoba? Wax walba ka yaab

 

Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhinaca Bulshada Caalamka waxay u badan tahay in dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya talada Somaliland la isla ogol yahay in looga dambeeyo dalka la deriska ah ee Itoobiya.

 

Maaha arinta Laascaanood oo keliya ee xataa khilaafka ka sii wayn ee doorashooyinka laftooda, oo si wayn u soo shaacbixi doona afar ilaa sideed todobaad ka dib dhamaadka bisha Ramadan iyada oo wax xal ah laga gaadhin dagaalka Laascaanood.

 

Taasina waa halista ku soo fool leh in gobolada Somaliland dhan xaaladdu faraha ka bixi karto hadii la waayo wax heshiis lagu yahay.

Siyaasi Cali Guray


Loading...
Loading...