Diyaarado Dagaal Oo Ay Leeyihiin Ruushka Iyo Mareykanka Oo Foodda Is Daray
Diyaarad dagaal oo laga
leeyahay dalka Ruushka ayaa ku dhacday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha
lahayn ee Mareykanka, taasoo keentay in diyaarada Mareykanka oo aan cidi wadin
ay ku burburto badda madow, sida ay sheegeen ciidamada Mareykanka.
Dhacdadan ayaa
muujineysa khatarta sii kordheysa ee iska horimaad toos ah oo dhexmara Ruushka
iyo Mareykanka taasi oo ku aadan dagaalka Ukraine.
Maraykanka ayaa sheegay
in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay si caadi ah u dul haadeysay hawada
caalamiga ah markii labo diyaaradood oo Ruushku leeyahay ay isku dayeen in ay
qabtaan.
Ruushka ayaa sheegay in
diyaarada aan duuliyaha lahayn ay soo dhacday ka dib markii ay
"dhaqdhaqaaq xoogan sameeysay", wuxuuna beeniyay in labada
diyaaradood ay si toos ah ugu dhaceen.
Wasaaradda difaaca ee
Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee MQ-9
Reaper ay duuleysay iyada oo la damiyay qalabkeed isgaarsiinta. Qalabkan
isgaarsiinta ayaa ah mid suuragalinaya in lala socdo dhaqdhaqaaqa diyaaradda.
Diyaaradaha aan
duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka nooca Reaper ayaa ah kuwa loogu
talagalay dhanka sahanka taasi oo leh ballac dhan 20m (66ft) .
Dhacdadan ayaa dhacday
abbaare 07:03 xilliga Bartamaha Yurub Talaadadii, sida uu sheegay militariga
Mareykanka.
"Diyaaradeena MQ-9 ayaa
si caadi ah ugu socotay hawada caalamiga ah markii lagu dhuftay diyaarad
Ruushku leeyahay, taasoo keentay in ay burburto ,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhowr jeer ka hor inta
aysan isku dhicin diyaaradaha dagaalka ee Su-27 ayaa shidaal ku daadiyay
diyaaradda aan duuliyaha lahayn si "aan ka fiirsasho lahayn, qaab aan
wanaagsanayn", ayuu bayaanka intaa ku daray.
Mareykanka ayaa u
yeeray safiirka Ruushka ee Washington, Anatoly Antonov, iyaga oo cabasha ka
muujinaya dhacdadani.
Warbaahinta dowladda
Ruushka oo soo xiganeysa Antonov ayaa sheegtay in Moscow ay u aragtay dhacdadani
diyaaradda mid "daandaansi ah”.
Xiisadda badda ka
taagan badda madow ayaa sare u kacday tan iyo markii Ruushka uu qabsaday Crimea
sanadkii 2014-kii.
Tan iyo markii uu
Ruushku si buuxda ugu duulay Ukraine, Maraykanka iyo UK waxay kordhiyeen
sahminta iyo ilaalinta , inkastoo ay had iyo jeer ka hawlgalaan hawada
caalamiga ah.
Su'aasha muhiimka ah
ayaa ah in dhacdadan Talaadadii ay ahayd isku day Ruushku ku doonayay inuu ku
carqaladeeyo diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka iyo shaqadeeda, mise
waxay ahayd mid si ula kac ah loo soo riday.
Sida laga soo xigtay
Maraykanku, waxaa jiray " falalka khatar ah oo duuliyayaasha Ruushka ay ku
kacayeen" taasi oo ah in ay la falgalaan diyaaradaha dalalka xulufada la
ah Ukraine.
Markaa tani waxay si
fudud u noqon kartaa qalad uu sameeyay duuliye Ruush ah oo aad ugu soo
dhawaaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn. Laakiin kani waa weerar ula kac ah
oo diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ku qaaday diyaarad Maraykan ah, markaas
taasi waxay noqonaysaa daandaansi weyn iyo koror la taaban karo.
Marka arrintan la eego,
weerarka waxaa loo arki doonaa isku day uu Kremlin-ka ku doonayo inuu ku
tijaabiyo jawaabta Mareykanka.
Xulafada reer galbeedka
ayaa aad ugu dadaalay sidii ay uga maagan lahaayeen dagaalka ka socda Ukraine
in uu isu rogo dagaal toos ah oo lala galo Ruushka. Laakiin dhacdadan ka
dhacday Badda Madow ka dib Maraykanku hadda waa inuu qiimeeyaa jawaabtiisa.
Sida ay taliyeyaasha
ciidamada Mareykanka uga digeen bayaankooda, tani waxay ahayd fal halis ah oo
" keeni karta xisaab-xumo iyo kororka xiisadda ee aan ku talo-gal
ahayn".
BBC