Ex. Wasiir Axmed Muumin Seed Oo Kulan La Qaatay Ugaaska Guud Ee Samaroon.
"waxaanan iska waraysanay xaaladda guud ee dalka iyo tan mandaqada xiligan ka aloosan".
Hargaysa (HWN) Ex.
Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa kulan kula qaatay magaalada Jigjiga ee Dalka
Itoobiya Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon.
"Alle mahadii waxaan maanta magaalada jigjiga
ee dawlad deegaanka Somalida ku kulanay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas
Doodi oo ah ugaaska guud ee beelaha Samaroon , waxaanan iska waraysanay
xaaladda guud ee dalka iyo tan mandaqada xiligan ka aloosan”. ayuu ku yidhi Ex.
Wasiir Axmed Muumin Seed.
Xisbiga Kulmiye ayaa
dhawaan caydhiyay Wasiir hore Seed, waxaanu waraysi uu todobaadkan siiyay MMTv uu
ugu soo jeediyay Muuse Biixi in uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa.
Loading...
Loading...