Maxay Dumarka Soomaalida Mareykanka Feynuus Dariiqa Ugu Shiteen?

0
Friday June 21, 2019 - 08:43:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Dumarka Soomaalida Mareykanka Feynuus Dariiqa Ugu Shiteen?

    Haween Soomaali ah oo deggan magaaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haween Soomaali ah oo deggan magaaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka,

xaafad ay soomaalidu ku badan tahay, ayaa cabasho ka muujiyey waddo mugdi ah oo ay isticmaalaan xilliga tareenka ay ka soo degaan ama u socdaan.



Haweenkan si ay dareenkooda ku aaddan mugdiga iyo dhibaatada ay ku qabaan ay u gudbiyaan maamulka magaaladda ayey faynuusyo waddooyinka u dhigeen.


Ummad meel ku nool marka ay xaalad amnixumo la kulanto waxaa ugu horreyn ugu nuglaada haweenka iyo carruurta.


Haddaba haween ku nool Xaafadda Riverside oo iskood iisu abaabulay waxay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo loogu geystay xafaddi ay degganaayeen qaasatan goob gaadiidka ay ka soo raacaan ama ay ugu soo dagaan.


Iyaga oo sheegay iney la kulmaan tuuga dhacday teleefannada, boorsooyinkooda oo halis geliyey naftooda.

Haweenka ayaa isugu soo baxay agagaarka waddada ay mugdigeeda ka cabanayaan si ay baaq u diraan madaxda magaalada si waddadan looga xiro.


Boosteeya Maxammed oo ka shaqeysa xaafaddan oo BBC-da u warrantay ayaa sheegtay sababta isku soo baxa keentay Feynuusyadana ay waddada u dhigeen.


"Sababta aan u sameeynay waxaa weeye dhinca waddada riverside ee waddada 15aad iyo waddada 6aad oo masajidka Quba geeskiisa meesha tareenka laga raaca waa meel mugdi ah marka ddka habeenki waddadan ma isticmalaan oo waa meel mugdi ah marka waxaan rabnaa iney maamulka xaafadda aqoonsadaan iney meeshan nal u baahan tahay oo ciyaalkeenna iyo dadkab ku badbadaan" ayey tiri Boosteeya.


Hase yeeshee cabashada haweenkan iisu keentay ay ah mid aysan maamulka magaalada ka warhaynin waxay BBC-da haweenka weydiistay iney cabashadooda maamulka kala fariisteen iyo iey cabashadooda hadda ugu horreyso.


Xaliima xasan oo mudda dheer degganeyd xaafaddan haweenka waddada Feynuusyada safayna ka tirsan ayaa ka warramaysa waxa ay Feynuus u doorteen.


"Dhibaatada aan Feynuusta u doorannay waxaa weeye dhib naga haysta waddada loo maro halka tareenka laga raaco qofka marka uu tareenka ka soo dago waxaa looga qaataa boorsooyinka iyo taleefannada marka sidaas ayaan u doorannay Feynuus si nal hlkaa naloogu sameeyo maadaamaa ay Feynuustana xidda iyo dhaqankenni. Waxaan u cabaneynaa cidkasta oo ku shaqa leh ammaanka meesha mugdi haddey tahay nabadgalyo ma jirto" ayey tiri Xaliima Xasan.


Haweenkan Feynuusyad l soo dibad baxy waxay maamulka magaalada Minneoplis waxay ka rajeeynayaan iney waddadaasi nlal ugu xirto si ay uga badbaadaan tuugada mugdiga dhibaatada kala duwan ugu geystaa.

 

BBC

Loading...
Loading...