Maxaa Shalay Ka Dhacay Hargeysa?
Shalay waxa social
media ha iyo saxaafadda kale ba la gu arkay gabadh la gu magacaabo Sahra
Ismaaciil Haaruun, oo niman ay ka afduubteen gurigeeda banaankiisa oo Hargeysa
ah. Shalmadeeda ayay madaxa ka ga duubeen si aanay u garan Meesha ay u wadaan,
markii ay meel gaar ah la tageen na, waa ay garaaceen kuwii kaxaystay iyo kuwo
kale oo ay u la tageen, oo rag iyo haween ba isugu jira. Xukuumadda ayaad wax
ka sheegtay ayay ku yidhaahdeen oo Facebook account keeda fariin ku qoran soo
hor dhigeen.
Marka la ga yimaaddo in
ay gabadhu ka mid tahay masuuliyiinta xisbiga Waddani, oo weliba garabka
haweenka ay afkooda ku hadasho, hadana xataa qof aan xisbi ba ahayn oo shicib
ah ayaa dhaliil iyo maagid ba qori kara, amma sheegi kara, waa se markee? Dabcan
waa marka la miyir qabo, nidaamka Somaliland namiyirqab iyo caqli waah ore ayay
ka la dhaqaaqeen. Magaalada Hargeysa, oo weliba u badan xaafadda Waqooyiga iyo
Galbeedka magaalada, todobaad kasta waxa aynu maqalnaa dad shicib ah oo wiil
yar oo badraan ah, oo Muuse Biixi uu dhalay uu ku dhibaateeyay. Mid la xidhay,
mid la xabadeeyay, mid guri loo gu dhacay iwm.
Marka dawladnimo la ga
hadlaayo, oo dabcan aan ahayn waxa SL ka socda, cidda cid ka cabanaysaa bilays
ayay u tagtaa, ka dib na maxkamad ayay amuurtu u gudubtaa. Muuse iyo
ciyaalkiisu intaas ma samayn kari waayin, laakiin sababo u diidaaya ayaa jira.
Waxyaabaha ay dadka ku eryanayaan ayaan ahayn wax maxkamad la geyn karo oo la
difaaci karo, sidaas darted, sharciga waa hore ayaa la is ka baal maray. Hadana
waxa yaab leh, kaas sidaas u dhaqmaaya iyo kuwa taageersan ayaa inta u badan la
ga maqlaa ‘qaranka’ iyo ‘qaranka’, taas oo ah uun ilmo yaxaas.
Is ku soo wada ururi,
hadal gun buu leeyahay, biyo na meel godan ayay ku gororaan. Dhaqamada
shuftonimada ah ee aan mar walba maqalno, ee falka Sahra la gu la kacay na u
dambeeyay, keliya waxa ay soo dedejinayaan dumitaanka buulkii xumaa. Waa
buulkii uraayay ee Muuse iyo ciyaalkiisa, waxaanay bogaga taariikhda ka
gelayaan meel uraysa. Eeg hadda, afduub, iyo jidhdil, iyo khaarajin, iyo wax
kasta oo xun hore ayaa loo soo sameeyay, waxaana hubaal ah in ay kuwii
samaynaayay uuni taariikhda ka baxeen. Waa hubaa in kuwani ay buuxiyeen
shuruudihii dulinimada iyo taariikh ka bixitaanka foolxumada leh, waxaanan se
hubin in ay Somaliland na raacayso iyo in kale.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!