Xogta Doonta Ku Degtay Xeebaha Talyaaniga

0
Tuesday March 14, 2023 - 09:18:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta Doonta Ku Degtay Xeebaha Talyaaniga

    "17 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay doonta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"17 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay doonta"



Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in in ka badan 30 muhaajiriin sharci darro ah la la’yahay, kadib markii ay la qalibantay doon ay doonayeen in ay ku tagaan xeebaha koofurta Yurub.

 

Waxa ay intaasi ku dareen in doonta oo sidday in ka badan tiradii loogu talagalay ay rogmatay xilli la doonayay in uu samatabixiyo markab xamuul.

 

17 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay doonta, ka hor inta aysan degin, waxaana howlgallada baadigoobka ay socdeen ilaa Axaddii.

 

"Doontu waxay degtay iyadoo tahriibayaasha lagu wareejinayo markab xamuul, ka dib markii 17 qof oo kaliya lagu wareejiyay, ku dhawaad ​​30 kalena waa la la'yahay ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidmada ilaalada xeebaha Talyaaniga.

 

Arrintan ayaa ku soo beegantay laba toddobaad ka dib markii in ka badan 76 muhaajiriin sharci-darro ah ay ku qaraqmeen meel u dhow xeebaha gobolka Calabria ee dalka Talyaaniga, xilli ay isku dayayeen inay gaaraan dalkaasi.

 

Xukuumadda garabka midig ee Taliyaaniga ayaa isku dayaysa inay iska leexiso dhaleecaynta ku aaddan inay ku guul-darraysatay inay qaado tallaabo si loo badbaadiyo muhaajiriinta.

 

Hay’ad samafal oo la socota doonyaha muhaajiriinta ah ee ku sugan badda Mediterranean-ka ayaa sheegtay in doonta ay soo wacday , iyada oo u jirta qiyaastii 100 meyl waqooyi-galbeed ee magaalada Benghazi, ayna ka dib ku wargaliyeen mas’uuliyiinta Talyaaniga.

 

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in goobta ay doonida ku degtay ay mas’uul ka yihiin kooxaha baadi-goobka iyo samata-bixinta ee Liibiya, balse Liibiya ay ka jirto gabaabsi xooggan oo dhanka qalabka gurmadka ah iyo gaadiidka badda, waxayna ka codsadeen Talyaaniga inuu taageero.

 

Talyaanigu wuxuu gobolka u diray saddex markab oo dheeraad ah oo gurmadka ka qeyb qaata.

 

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalkaee IOM ayaa ku qiyaastay in tan iyo 2014 kii ku dhawaad ​​5,000 oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen ama la waayay iyagoo isku dayaya inay gaaraan meelo ay ka mid yihiin Mareykanka ama wadamada Midowga Yurub.

 

BBC


Loading...
Loading...