Saraakiil wakiil ka ah ciidankii gadooday ee sirdoonka Somaliland ayaa maanta kulan la yeelanaya Muuse Biixi.

0
Tuesday March 14, 2023 - 06:41:38 in News by Abdi Good
  • Visits: 4269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil wakiil ka ah ciidankii gadooday ee sirdoonka Somaliland ayaa maanta kulan la yeelanaya Muuse Biixi.

    Saraakiil wakiil ka ah ciidankii gadooday ee sirdoonka Somaliland ayaa maanta kulan la yeelanaya Muuse Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil wakiil ka ah ciidankii gadooday ee sirdoonka Somaliland ayaa maanta kulan la yeelanaya Muuse Biixi.

Saraakiil wakiil ka ah ciidankii gadooday ee sirdoonka Somaliland ayaa maanta kulan la yeelanaya Muuse Biixi.

Warar soo gaadhay Hadhwanaagnews oo aanu ka helnay saraakiil sirdoon ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu maanta qaabilayo saraakiil wakiil ka ah ciidankii gadooday kuwaas oo gaadhsiinaya cabashada ciidanku ka qabo taliye Faysal Guhaad Cabdi Gahayr.

Ciidankii gadoodka sameeyey oo tiradooda lagu sheegay inay ahaayeen 33 askari oo darajooyin kale duwan haysta ayaa lay xaqiijiyey in wasiir Maxamed Kaahin iyo Taliye Dabagale ay khiyaameeyeen markii ay ogolaadeen inay ka baxaan xeradii ay qabsadeen, dhawryo toban ka mid ah ayaa hada ku xidhan xarunta ciidanka birmadka ee Hargeysa halka qaar kalana baxsadeen,balse saraakiil sarsare oo ka tirsan sirdoonka isla markaana la saftay ciidanka gadooday ayaa Muuse Biixi la kulmaya, waxaana la dhawrayaa jawaabta uu ka bixiyo dooda ay hordhigaan saraakiishan wakiilka ka ah ciidanka gadooday.

Dhinaca kale waxaan idiin soo gudbin doonaa warbixin tifaftiran oo ku saabsan sababta keentay ciidanka gadooday, musuqmaasuq hadheeyey hayadii sirdoonka, gunadii ciidanka oo haatan hadal ka taagan yahay, dhaqaalihii hawlgalada loogu tala galay oo la waayey, baabuur Sucuudigu ugu deeqay hayada sirdoonka oo la raadinayo meel ay ku danbeeyeen iyo qodobo kale ayeynu warbixintaas ku soo bandhigi doonaa.

No description available.


Loading...
Loading...