Senate-ka Maraykanka Oo U Codeeyay In Aan Sacuudiga Hub Laga Gadin

0
Friday June 21, 2019 - 08:25:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senate-ka Maraykanka Oo U Codeeyay In Aan Sacuudiga Hub Laga Gadin

    Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa u codeeyay in la joojiyo in Sacuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa u codeeyay in la joojiyo in Sacuudiga

laga gado hub uu qiimahiisu ku kacayo balaayiin doolar, arrintaas oo dhirbaaxo ku ah madaxweyne Donald Trump.



Trump ayaa ka talaabsaday aqalka Congresska bishii hore isaga oo isku dayaya in uu xoojiyo hirgalinta qorshaha hub iibinta ee 8 bilyan ku kacaya, isaga oo u cuskanaya halista Sacuudiga ka haysata dalka Iiraan ee ay aadka isu hayaan.


Balse Khamiistii aqalka Senate-ka ee uu hoggaanka u hayo xisbiga Jamhuuriga ayaa meelmariyay saddex qaraar oo lagu hor istaagayo in hubkaas la iibiyo, labada xisbi ayaana si naadir ah isugu raacay codayntaas.


Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in uu codka diidmada qayaxan u adeegsan doono, arrintaas oo hubaanti la’aan galin doonta heshiiskaas.


Inkastoo ay u badan tahay in aqalka wakiillada oo Dimuqraadigu aqlabiyadda ka yahay uu u codeeyo in hub iibinta la joojiyo, haddana waxay u badan tahay in codayntaasi aysan noqon mid nasakhi karta diidmada qayaxan ee Trump.


Labada qaraar ee koobaad iyo labaad ee lagu hor istaagay waxaa lagu diiday 54 cod waxaana ogolaatay 45, codayntii saddexaad oo ay ku jiraan qaraarro la xiriira hub iibinna waxaa meel mariyay 51 xubnood, waxaana ka soo horjeedsaday 45 xubnood.


Heshiiskaas ayaa marka Sacuudiga laga soo tago la sheegay in hub looga gadi karo Imaaraadka iyo Urdun.



VOA

 

Loading...
Loading...