Xukun Dil Toogasho Ah Oo Lagu Fuliyay Laba Askari Oo Ka Tirsanaa Ciidamada

0
Monday March 13, 2023 - 15:20:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun Dil Toogasho Ah Oo Lagu Fuliyay Laba Askari Oo Ka Tirsanaa Ciidamada

    "Maxkamadda ciidamada ayaa dhawaan xukun dil ah ku fulisay askar"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxkamadda ciidamada ayaa dhawaan xukun dil ah ku fulisay askar"



Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay askar katirsanaa dowladda oo horayloogu xukumay dila toogasho ah.

 

Labada askari oo lagu kala magacaabi jiray, Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle, ayaa lagu helay dambi ah inay dilal gaysteen.

 

Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa horay u dilay askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada Booliska, kaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Shire.

 

Cabdi Jamaal ayaa isna horay u dilay marxuum Cabdi Xakiim Khaliif Maxamuud, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay sheegtay in uu dhac geysanayey.

 

Dhanka kale, Maxkamadda ciidamada ayaa dhawaan xukun dil ah ku fulisay askar dilal u geystay qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata Moota Bajaajta.

 

BBC


Loading...
Loading...