Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Degdeg Ah Looga Saaray Teendhada Afisyooni

0
Monday March 13, 2023 - 15:12:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Degdeg Ah Looga Saaray Teendhada Afisyooni

    "Markale ayay bilaabeen ka qaybgalayaasha shirka inay dib ugu soo laabtaan hoolka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markale ayay bilaabeen ka qaybgalayaasha shirka inay dib ugu soo laabtaan hoolka"


 

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga saaray hoolka shirrarka ee teendhada Afisyooni oo uu ka furmayay Shirka Qaran ee Waxbarashada Soomaaliya.

 

Sida ay ku soo warramayaan goobjoogayaal ku sugan gudaha hoolka shirka ayaa BBC-da u sheegay in uu dab ka kacay qayb kamid ah teendhada, taasoo keentay in kooxda amaanku ay madaxweynaha si kumeel gaar ah uga saaraan hoolka, iyadoo markii dambe lagu guuleysatay in la bakhtiiyo dabkii kacay.

 

Lama soo werin wax khasaare ah oo uu dabku gaystay.

 

Markale ayay bilaabeen ka qaybgalayaasha shirka inay dib ugu soo laabtaan hoolka, iyadoo la filayo in goordhow madaxweynuhu isna ku soo laabto.

 

Illaa hadda Madaxtooyada Soomaaliya kama hadlin dhacdadan keentay in Madaxweynaha laga saaro hoolka shirka, mana cadda wali sababta dhabta ah ee dhalisay dabka ka kacay hoolka.

 

BBC


Loading...
Loading...