Maamulka "Xaafad-tooyadda Hargeysa" Waxa Laga Faa'iiday Qooma-Luudnimo ( Abdi-Shotaly).

0
Monday March 13, 2023 - 13:36:40 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maamulka "Xaafad-tooyadda Hargeysa" Waxa Laga Faa'iiday Qooma-Luudnimo ( Abdi-Shotaly).

    * N. B Duulkii La Khasifayaa Wuxu Noqdaa Sidda Maamulka " Askarta Xaafad-Tooyadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N. B Duulkii La Khasifayaa Wuxu Noqdaa Sidda Maamulka " Askarta Xaafad-Tooyadda"


Islaan baa ogay-geeddii ugu taag waayey iska daa qayladan iyo sawaxan-kan aad nolashaadda ku dhamaysay, imika aniga uun baa ku oge inta aanay meel walba ka dhicin oon magacyo laguugu bixin, iyaba waa yaabe miyey dheg-ba u jalaq-siisaa oday-jeedda, ilayn waa tii hore loo yidhi "Caado la gooyaa cadho Allay leedahaye" Wax uu odaygu qariyo qayladeedda oo uu asturoba, waxa xaal-keeddii ku dambeeyey, waxay Gaadhay in aakhirkii deegaankii ay degenaayeen ku faafto sheekadu, loona bixiyey islaantii " Xadiyo Qayllo Dheer". 


Waxay sidaas ku socoto-ba, maalin ayaamaha ka mid ah, baa iyadda oo meel maraysa ay isku soo baxeen islaan kale oo ay isu dhaw-yihiin, markii la isi salaamay Bay ku tidhi, magacaaggii muxuu ahaa? Waxay ugu jawaabtay, oo wakhti dheer baynu jaar ahayn side baanad u aqoon Magacaygu? Waxay ku celisay dee naanays laguu qariyo baan kuu aqaan ee magac kale kuuma aqaan. 


Yaabtay oo tidhi waa Maxay magaca lay Qariyaa? Waxay tidhi oo miyaanad isu aqoon in lagu yidhaaho " Xadiyo Qayllo Dheer" Waxay tidhi oo maxaa la iigu bixiyey? Dee hadh iyo habeen Qayllo iyo sawaxan baa kaa baxaaya. Islaantii oday-geedkii bay u sheegtay magaca loo bixiyey, wuxu ku yidhi Intaan ku lahaa hubka dhin " Ku Qariyey-Qariyey Ee Gun-Cad"

Maah-maah baa ahayd " Wixii la qariyo qudhun baa ku jira" Ummad-yahay hadaba waxan Sheekadan " Gun-Cad " U soo qaatay waxay tahay, maamulka labadda askari ee " Xaafad-tooyadda" Mudo badan baa arin-koodu ahaa " Sakaaro xaar la arkaayo bay aas-aastaa" Marka la sheego " Qooma-Luudka" lagu barto Jaamacadda ku sheegtay dhaqan bi'iska ah iyo Dugsiga ku xidhan, ee ay ulla baxeen " Jaamacadda Abaarso" Xaaladan iyadda ah waxa laba jeer lagu xidhay Cabdimalik coldoon, laba jeer baa oo hore baa qaar Qooma-Luudka ah lagu xukumay Maxakamadda Hargeysa, oo la ogaa, ka dibna ay sii daayeen askarta ku jira "Guriggii Moorgan" Ee la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Gacan yarahiisa Geenyo-Shaaximan" Iyaka oo damba-basaaya Qooma-Luud-nimadda lagu barto waxan ay Jaamacadda ku sheegeen, laakiin ah wax baas oo ay lacag ku qaataan, ilayn iyaka diin, dal iyo dad Midna waxba kama geline. Sababta loo qarinaayey, ee dadka loogu xidh-xidhay wax kale may ahayn ee faa'iido dan-toodda ah baa ugu jirta, ay dhawr jeer malaayiin doollar ka Dul-qaadan, ha-yeeshee Rabbi baa kashifay, oo way soo dhaaftay wax go la huwin karo, way sii faaftay oo waxay maraysaa meel ay noqotay wax caadi ah. Maah-maah baa ahayd " Cadceed sacab laguma qarin karo". 

Somaliland wax la yidhaahaa ma jirto, oo waa taas khasifantay, si walba u burburi-yeen, Kuwo laf-toodu khasifan tahay, waa la rogaaya meesha ee inta goori-goor tahay ka tashadda.

Fawaaxshika dalka ka dhacaa dar bay Wax-Tar u tahay, ee ila akhri sidda Maamulka " Xaafad-tooyadda Hargeysa" Xumaan ku naaaxa u yahay. Waxa keliya ee laga faa'iiday ama ay dalka ku soo kordhiyeen waa barashadda Qooma-luudnimadda iyo anshax daradda dhaqan bi'iska ah. Akhristaw xagga samadda baa toosh weyn lagaga ifiyey, oo waa taas hadeer shaaca qaaday, Kuwii odhan jirey waa been waxa la sheegayaa, iyadda oo ay Maxakamd ku sheegta Askartu qaar xukuntay, misana ay dafirayeen, baa hadda dhul-gariir ka dhacay Hargeysa, oo la soo ban-dhigay "40 qof oo qoomu-luud ah", Horaa loo yidhi " Ma hungawdo Daacadi" Wax Alle wataana cid is hortaagi kartaa ama joojin Karta baaba iska yar. Maalintii daraad ahayd waxa dhacay " Anfariir iyo Af kala qaad" markii qaar Maamulka ka mid ah caruur-tooddii ay ka mid noqdeen Qooma-Luudka kashifmay. 


Waxana ay ku noqotay Maamulka askarta u qaadan-waa markii ay ku dhawaaqeen odayadda meesha iska fadhiyaa, kuna cuna hantidda ummadda, ee loo yaqaan waxay ku sheegaan " Guurti" kuwaas oo ku musha-haaro qaatay muddo kordhinta Askariga " Xaafad-tooyadda" Iyo u xalaalaynta waxa uu soo mal-maluuqo ee xeer ku Sheeg-yadda ah, bal ogaadda oo kuwa ay soo ansixiyaan Golaha Wakiiladu waxay u dhigan " Roobka" Kuwii noocaas ahaa, markii ay hayn kari waayeen, noqon-tana wax si caadi ah loogu dhaqmo, weliba la xayey-siiyo ka mid noqoshadda qoomul-luudka, loo furtay jaamacado dhan, bay khasab ku noqotay, in goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ay yidhaahaan qoomal-luud baanu haynaa " Subxaana-Laahi Cadiim"


* N. B Duulkii La Khasifayaa Wuxu Noqdaa Sidda Maamulka " Askarta Xaafad-Tooyadda"

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...