Muxuuyahay Codsiga Ex. Wasiir Seed, Ka Diiday Muuse Biixi?

0
Monday March 13, 2023 - 09:02:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2038
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuuyahay Codsiga Ex. Wasiir Seed, Ka Diiday Muuse Biixi?

    "waxaan ku idhi ,Madaxweyne ma jiro Xisbi aan teggayo oo KULMIYE wuu baaba'ay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan ku idhi ,Madaxweyne ma jiro Xisbi aan teggayo oo KULMIYE wuu baaba'ay"



Hargaysa (HWN) Siyaasi Axmed Muumin seed oo Xil wasiirnimo ka soo qabtay xukuumada Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxwayne Muuse Biixi ka codsaday in uu xisbiga Kulmiye siyaasadiisa uu boodhka ka jafo, kadib intii uu xilka ka qaaday, sida uu Seed ku sheegay waraysi uu siiyay MMTv.

 

"Madaxweyne Muuse laba jeer ayuu iga codsaday in aan KULMIYE teggo oo aan boodhka ka jafo xisbigii oo aan talladiisa qayb ku yeesho,balse waan ka cuddur daartay oo waxaan u sheegay in KULMIYE uu baaba’ay, waxaan u caddeeyey in Xisbiga KULMIYE aanu ahayn maanta meel aan teggayo oo inta aan soo dhex fadhiisto aan ka shaqaynayo oo aanu KULMIYE ahayn KULMIYIHII hore oo uu Xisbigii baaba'ay ayaan Madaxweyne Muuse u sheegay labada jeer-ba oo waan ka cuddur daartay labada jeer-ba, anniga oo salluugsan cidda hadda joogta ee shaqada Xisbiga haysa iyo Xisbigu halka uu maanta taageerayaasha Somaliland ka marrayo anniga oo salluugsan ,waxaan ku idhi ,Madaxweyne ma jiro Xisbi aan teggayo oo KULMIYE wuu baaba’ay ,waxaan arkay in Xisbigaa KULMIYE uu u baddan yahay inuu saaxadda siyaasadda uu ka baxayo,markaa waxaan go’aansaday in aanan Xisbigaa annigu shaqadiisa faraha la gellin oo waan ka cuddur daartay dalabkii Madaxweynaha..” Axmed Muumin Seed

 

"Waxaan qabaa in Xisbiga KULMIYE hadda wixii ka dambeeya aanu saaxadda siyaasadda Somaliland ku sii jiri karrayn,waayo waxa hoos u dhacay taageeradii Xisbigu uu ka haystay Bulshada,haddii aad tagto maanta xaruntii Xisbiga wey haawanaysaa oo saddex gaadhi ayaa dhex jooga …”Siyaasi Axmed Muumin Seed


Loading...
Loading...