"Waxa Xamar Dib Loogu Celin Karraa Somaliland Kala Quban Oo Iswadda Eeday…"

0
Monday March 13, 2023 - 08:48:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Xamar Dib Loogu Celin Karraa Somaliland Kala Quban Oo Iswadda Eeday…"

    "Bal adigu Ina-Xagaa dheer garoonkiisa kula ciyaar"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bal adigu Ina-Xagaa dheer garoonkiisa kula ciyaar"


 


 

Hargaysa (HWN) Siyaasi Nuuradiin Diini oo kamid ahaa siyaasiyiintii ururada ka furtay Somaliland inkasta oo uu ururkiisii aanu kamid noqon ururada ka soo gudbay shuruudihii loodhigay ururada, ayaa sheegay in kala daad sanaan badani ka jirto shacabka Somaliland dhexdooda.

 

"Halkii meel looga soo wadda jeesan lahaa sidii qaranka looga badbaadin lahaa, ayaa lagu mashquulsan yahay dhacdo yar iyo guri, horta dalkii mee?

 

Waa halkii Ina-Xagaa dheere "Adhi la' laayaa  Adhi la' laayo ayuu lee yahay" hadda garoo Adhigiisa ayuu u laynayaa Adhigiisa, ibtiladdii ugu weynayd waxa ay dhacday 2017kii.

 

Mid aan idin yar xusuusiyee Somaliland sidan u dhisan Koonfur iyo Xamar laguma celin karro, waana lagu celin kari waayay, se waxa Xamar dib loogu celin karraa Somaliland kala quban oo iswadda eeday. Waa halkii Geese e' maxaa kuu baxay Boowe?

 

Bal adigu Ina-Xagaa dheer garoonkiisa kula ciyaar.

Saaka in yar uun baa i fahmaysa” ayuu yidhi Siyaasi Nuuradiin Diini


Loading...
Loading...