"Muuse Ayaa Iska Leh Masuuliyada Dagaalka Laascanood, Kulmiyana Waan Iskaga Baxay"

0
Monday March 13, 2023 - 08:00:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Ayaa Iska Leh Masuuliyada Dagaalka Laascanood, Kulmiyana Waan Iskaga Baxay"

    "Maaha wax loo adkaysan karaayo Maatada sidan loola dhaqmayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maaha wax loo adkaysan karaayo Maatada sidan loola dhaqmayo"



Hargaysa (HWN) Badhasabkii Hore ee Gobolka Sanaag Eng. Maxamed Cilmi Huuno ayaa sheegay in Masuuliyada dagaalka Laascanood uu dusha ka saarayo Muuse Biixi, kadib markii uu diiday taladii loo soojeediyay.

 

Maxamed Huuno ayaa intaasi ku daray in uu iskaga baxay xisbiga Kulmiye

 

"Madaxweyne Muuse ayaan ku eedeynaya dagaalka Laascaanood oo diiday ninkii Talo iyo wanaagba hayay,  oo ismaahiyay Guuldaradii iyo jabkii ay doonayeena hadaba way hayaan.

 

Kulmiye waan iskaga baxay, Maaha wax loo adkaysan karaayo Maatada sidan loola dhaqmayo iyo sida dalkan loo wadayo ma sii agjoogi karo Buuni iyo Xinka Ifka talada ay hayaan iyo Xisbi ay ku jiraan toona." Ayuu yidhi Maxamed Huuno oo uwaramay muuqaal baahiyayaha MMtv.

 

 


Loading...
Loading...