Waddan Uu Qiimaha Basasha Ka Yahay Saddex Laabka Qiimaha Hilibka
Basashu waxay ka mid
tahay khudaarta ay sida isku midka ah looga isticmaalo guud ahaan caalamka,
Soomaaliduna dheri walba oo ay ay cunto karinayaan kama maqna basal. Waxaa
basasha lagu tilmaamaa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee cuntada lagu
carfiyo.
In basal la jarjaro waa
howsha ugu xanuunka badan marka lagu jiro jikada, maadaama ay indhaha ilmeeyaan
waqtiga mindida lagu yaryareynayo. Laakiin oohintu way ka badan tahay mid ku
saabsan basasha indhaha galeysa marka la joogo dalka Philippines.
Dhorwkii bilood ee
lasoo dhaafay shacabka dalkaas waxaa heysta dhibaato la xiriirta qiimaha
basasha oo aad sare ugu kacay, dadka qaarna ka oohisiiyay.
Qiimaha halkii kiilo oo
basal ah waxa uu Soomaaliya ka joogaa qiyaastii nus doolar ilaa hal doolar. Sida
caadiga ahna hilibka isugu jira ariga, lo’da, geela iyo digaaga ayaa aad uga
qiimo badan khudaarta ay ku jirto basasha, maadaama loo adeegsado in lagu
carfiyo oo keliya.
Hase yeeshee, si ka
duwan dunida inteeda kale - oo basashu ay jiimo isu dhow ka joogto – waddanka
Philippines waxaa aad raqiis uga ah hilibka marka la barbar dhigo qiimaha ay ka
joogto basasha.
Isbuucan waxaa lasoo
tebiyay in halkii kilo oo basal ah ay suuqyada waddankaas ka gaartay ku dhawaad
$8 doolar iyo bar, halka kiilada hilibka digaagga lagu kala iibsanayo $3 doolar
oo keliya.
Celcelis ahaan
mushaaraadka ay dadka ku nool Philippines qaataan waxa uu maalintii noqonayaa
qiyaastii $6.84 doolar (lix doolar iyo siddeetan iyo afar senti), taasoo
micnaheedu yahay in mushaarka maalinlaha loo qeybiyay uu ka yar yahay qiimaha
hal kilo oo basal ah.
Waddanka Philippiness
ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah looga isticmaalo raashinka lagu daro
basasha iyo toonta, kaasoo qeyb ka ah raashin dhaqameedka dalka oo soo jiray
ilaa xilligii gumeysiga Spain.
Baraha bulshada waxaa
lagu faafiyay qoraallo ku saabsan in hadiyadda ugu muhiimsan ee qoysaska loo geeyo
ay hadda tahay basal.
Dowladda ayaa
ugaarsaneysa ganacsato si dhuumaaleysi ah basal kusoo geliya dalkaas, iyagoo
isbuucan gacanta ku dhigay badeecooyin basal ah oo lagu qiimeeyay lacag ka
badan $300,000 oo doolar.
Waxaa dhanka kale
dowladda lagu eedeeyay in ay ka gaabisay wax ka qabashada sicir bararka sida
gaarka ah u saameeyay qiimaha basasha.
Labo sabab oo qaali ka
dhigay basasha
Waxaa jira labo arrin
oo sabab u ah sare u kaca qiimaha basasha ee dalka Philippines, sida uu sheegay
Jim Nicholas Mapa oo ah khabiir ku xeel dheer dhinaca dhaqaalaha.
Tan koowaad waa in
waddankaas ay ku dhufatay duufaan culus intii u dhaxeysay bilihii August ilaa
September, sidaas darteedna ay burburisay dalagyadii beeraha ee la filayay.
Musiibadaas ayaa timid xilli markii horeba ay basasha beeraha kasoo go’da ahayd
mid aan dabooli Karin baahida suuqa.
Sababta labaad ayaa ah
in basasha laga soo dhoofin jiray waddanka dibaddiisa ay ka daahday waqtigii
loo baahnaa. Xilliga lasoo geliyo basasha ayaa mar walba ku beegma waqtiga ay
soo go’aan dalagyada beeraha oo ku beegan bisha February..
Billowgii Bishan
January ayey dowladda Philippines ansixisay in dalkeeda loo soo dhoofiyo ilaa
22 milyan oo tan oo basal ah si loo xasiliyo qiimaha suuqa.
BBC