Carruurta Akhlaaqda Ma Baran Karaan Inta Ay Caloosha Hooyada Ku Jiraan?

0
Monday March 13, 2023 - 07:28:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carruurta Akhlaaqda Ma Baran Karaan Inta Ay Caloosha Hooyada Ku Jiraan?

    "Barnaamijkan wuxuu soconayaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurka ku jira"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Barnaamijkan wuxuu soconayaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurka ku jira"

 


Wakaaladda wararka ee Hinidya PTI oo soo xigatay xoghayaha hay’ad qaranka Hindiya laga leeyahay Madhuri Marathe, waxay sheegtay "in haweenka uurka leh loo billaabay olole loogu magacdaray Garbh Sanskar oo ilmaha uurka ku jira lagu barayo akhlaaqda.”

 

Madhuri wuxuu sheegay in la qabtay aqoon-isweydaarsi ay soo diyaarsiay Jaamacadda Jawahar Lal oo ku taalla magaalada Delhi oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 80 dhakhaatiir oo ku takhasusay cudurrada haweenka (gynaecologist) oo ka kala socda 12 gobol.

 

"Barnaamijkan wuxuu soconayaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurka ku jira inta ay laba sano ka gaarayaan,” ayuu yiri Madhuri Marathe.

 

Ilmaha uurka hooyada ku jira wuxuu baran karaa ilaa iyo 500 oo eray ka hor inta uusan dhalan.

Haddaba su’aasha Meesha taalla waxay tahay dhab ahaan ma fahmi karaan erey kasta ama luuqad kasta?

 

Culimada saynisku jawaabta su’aasha wey ku kala qaybsan yihiin.

 

Dr. Suchitra Delvi oo ku takhasusay cudurrada haweenka (gynaecologist) fadhigiisuna yahay magaalada Mumbai wuxuu sheegay ilmaha uurka hooyada ku jira codadka iney maqlayaan balse ay wax luuqad ah fahmi Karin.

 

"Markasta oo jirka ilmaha uu koro uurka hooyada waxaa sida oo kale kora maqalka dhagaha, taasoo u sahleysa codadka dibadda inuu maqlo,” ayuu sii raaciyey.

 

Hase yeeshee, ilmaha uurka ku jira ma fahmi karo micnaha codadka uu maqlay. Haddii la yirahdo haddii ay hooyada wax akhriso, sidee ilmuhu ku fahmi karaan waxa hooyada akhrisay?

 

Aragtiyada kala duwan

Dr. Suchitra Delvi, wuxuu leeyahay inti aan ka fikiri laheen arrimaha noocaasi ah, waa inaan ka fikirnaa carruurta dunida ku soo biiray sidi aan u siin laheen waxyaabaha noloshooda aasaasiga u ah sida cuntada iyo waxbarashada. In laga doodana waxay habboon tahay sidi carruurta loo siin lahaa dhalasho wanaagsan iyo dhaqan wanaagsan.

 

Dhinaca kale Dr. SN Basu wuxuu sheegay daraasaduhu iney muujinayaan habka uu ilaaheey u sameeyey minka hooyada inuu dareen gaar ah uu leeyahay.

 

Isagoo soo xigtay qoraal cimu-nafiga ku saabsan oo lagu daabacay shabakadda ‘Psychology Today’ oo Mareykanka laga leeyahay wuxuu sheegay, "In daabacadda si cad looga qeexay inta ay ilmuhu ka gaarayaan ilaa iyo 9 toddbaad iney maqlayaan shanqarta iyo codadka dhaadheer, halka marka 13 toddobaad gaaraannaa ay si wanaagsan u maqlayaan. Sida oo kalana uu kala saarayo codka hooyada iyo codka dadka kale.”

 

”Ilmaha hooyada ku jira haddii marar badan looga sheekeeyo sheekooyin si joogta ah, iney ilmaha caloosha ku jira si buuxda ayey uga falceinayaan,” ayuu yiri.

 

Wuxuuna intaa ku daray, ”In daraasadda sida oo kale lagy qoray ilmaha inta uu u socda korriinka caloosha hooyada wuxuu yeelanaya dareen uu wax uu ku maqlo, uu wax ku fahmo isla-markaana uu wax ku xusuusto.”

 

”Inta uu ilmaha u socdo korriinka caloosha hooyada waa iney hooyadu wax wanaagsan ay sameysaa maadaamaa wax kasta oo ay sameyso ay ilmuhu saameyn ku yeelaneyso,” ayu yiri.

 

Hormoonnada iyo saameynta ay ilmaha ku yeelanayaan

 

"Haddii hooyada uurka leh ay dhibaatooyin dhaka hormoonnada ay haystaan wuxuu saameyn taban uu u geysan karaa ilmaha cloosha ku jira,” ayuu yiri Dr Suchitra delvi.

 

Suhitra oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay hormoonnada hooyada ee ka dhashay farxadda, murugada iyo walwalka intaba waxay saameyn u geysanayaan ilmaha taasoo loo hayo caddeyn sayniska uu taageerayo.

 

Waxayna saynisyahannadu isku raacsan yihiin in loo baahan yahay hooyada xilliga ay uurka leedahay inta awooddeeda ah iney cunto cuntooyinka nafaqada leh ee isku dheellitiran, iyo in hooyada laga ilaaliyo wax kasta oo dhibatoo jireed iyo mid maskaxeed u keeni kara.

 

BBC


Loading...
Loading...